8 Aayad · Madani · Soomaali
bismillah
ﮅﮆﮇﮈﮉ
99:1 Marka DHulka la gilgilo.
ﮊﮋﮌﮍ
99:2 Dhulkuna soo bixiyo culaykiisii (wixii ku aasnaa).
ﮎﮏﮐﮑﮒ
99:3 Dadkuna (Gaaladuna) dhahaan maxay leedahay.
ﮓﮔﮕﮖ
99:4 Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda.
ﮗﮘﮙﮚﮛ
99:5 Maxaayeelay Eebaa u waxyooday.
ﮜﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
99:6 Maalintaas Dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga Diinta iyo Camalkaba) si ay u arkaaan camalkooda.
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩ
99:7 Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki.
ﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰ
99:8 Kiise wax yar oo shar fala wuu arki.

Quraanka Kariimka


Tuesday, September 29, 2026

Don't forget us in your sincere prayers