La sourate Al-Waqiah en Somali
Markay Qiyaamadu dhacdo. |
Dhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan). |
Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah. |
Marka la gilgilo Dhulka gilgilid. |
Buurahana la riqdo. |
Oy noqoto boodh Firdhisan. |
Ood ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin). |
Kuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari. |
Iyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari. |
Iyo kuwii aad u hormaray. |
Waa kuwa Eebe dhaweeyay. |
Waxayna gali Jannooyin Nicma leh. |
Waana Koox ka mid ah kuwii hore. |
Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay. |
Sariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan. |
Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili. |
Waxaa la dhex wareegi wiilal waari. |
Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda. |
Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh. |
Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli. |
Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah. |
وَحُورٌ عِينٌ(22) Iyo Haween Janno oo Indha cadcad. |
Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay. |
Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa). |
Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna. |
Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah). |
Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta. |
Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn. |
Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa. |
Iyo Hoos joogta ah. |
Iyo Biyo socda (goor walba). |
Iyo Faakiha badan. |
Oon la goynaynin lana reebaynin. |
Iyo Gogol la koryeelay. |
Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada). |
Kana dhigi kuwa aan la taaban. |
Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna. |
Liwa Midigta yaa muta (arrintaas). |
Waana Koox kuwii hore ka mid ah. |
Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah. |
Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda. |
Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan. |
Iyo hoos madow oo wax guba. |
Aan qaboobayn aragna fiicnayn. |
Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta). |
Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn. |
وَكَانُوا يَقُولُونَ أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ(47) Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin. |
Ama Aabayaalkannagii horeeyay. |
Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba. |
Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo). |
Markaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah. |
Waxaad wax ka cunaysaan Geed xun. |
Aad kana buuxinaysaan Caloosha. |
Waxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan. |
Waxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman. |
Kaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada). |
(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta). |
Ka warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida». |
Ma idinkaa abuura mase Annagaa abuurra, |
نَحْنُ قَدَّرْنَا بَيْنَكُمُ الْمَوْتَ وَمَا نَحْنُ بِمَسْبُوقِينَ(60) Annaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro. |
عَلَىٰ أَن نُّبَدِّلَ أَمْثَالَكُمْ وَنُنشِئَكُمْ فِي مَا لَا تَعْلَمُونَ(61) Inaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon. |
وَلَقَدْ عَلِمْتُمُ النَّشْأَةَ الْأُولَىٰ فَلَوْلَا تَذَكَّرُونَ(62) Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan. |
Ka warrama waxaad beereysaan. |
Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna. |
لَوْ نَشَاءُ لَجَعَلْنَاهُ حُطَامًا فَظَلْتُمْ تَفَكَّهُونَ(65) Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan). |
(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay. |
Mase waa nala hoojiyay. |
Ka warrama Biyahaad cabbaysaan. |
أَأَنتُمْ أَنزَلْتُمُوهُ مِنَ الْمُزْنِ أَمْ نَحْنُ الْمُنزِلُونَ(69) Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay. |
Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe). |
Ka warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan. |
أَأَنتُمْ أَنشَأْتُمْ شَجَرَتَهَا أَمْ نَحْنُ الْمُنشِئُونَ(72) Ma idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay. |
نَحْنُ جَعَلْنَاهَا تَذْكِرَةً وَمَتَاعًا لِّلْمُقْوِينَ(73) Annagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada). |
Ee waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn. |
(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan). |
Waana dhaar wayn haddaad ogtihiine. |
Quraanku waa shay sharaf leh. |
Wuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray. |
Mana taabto Ruuxan Daahir ahayn. |
Waxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka. |
Ee ma Quraankan yaad beeninaysaan. |
Ood ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa). |
Maxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho. |
Idinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman). |
وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنكُمْ وَلَٰكِن لَّا تُبْصِرُونَ(85) Annaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin. |
Haddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin. |
Maad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan. |
Hadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay. |
Wuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima. |
Hadduu yahay kuwa Midigta marina. |
Nabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag). |
Hadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna. |
Wuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan. |
Iyo galidda Naarta Jaxiimo. |
Waxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah. |
Ee tasbiixso Magaca Eebaha wayn. |
Plus de sourates en Somali :
Téléchargez la sourate avec la voix des récitants du Coran les plus célèbres :
Téléchargez le fichier mp3 de la sourate Al-Waqiah : choisissez le récitateur pour écouter et télécharger la sourate Al-Waqiah complète en haute qualité.















Donnez-nous une invitation valide