Al-Maa'idah · 95/120
Tarjumaad Xarfaha — Al-Maa'idah
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَقْتُلُوا الصَّيْدَ وَأَنتُمْ حُرُمٌ ۚ وَمَن قَتَلَهُ مِنكُم مُّتَعَمِّدًا فَجَزَاءٌ مِّثْلُ مَا قَتَلَ مِنَ النَّعَمِ يَحْكُمُ بِهِ ذَوَا عَدْلٍ مِّنكُمْ هَدْيًا بَالِغَ الْكَعْبَةِ أَوْ كَفَّارَةٌ طَعَامُ مَسَاكِينَ أَوْ عَدْلُ ذَٰلِكَ صِيَامًا لِّيَذُوقَ وَبَالَ أَمْرِهِ ۗ عَفَا اللَّهُ عَمَّا سَلَفَ ۚ وَمَنْ عَادَ فَيَنتَقِمُ اللَّهُ مِنْهُ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ ذُو انتِقَامٍ ۝٩٥
Yaaa aiyuhal lazeena aamanoo laa taqtuslus saida wa antum hurum; wa man qatalahoo minkum mut`am midan fajazaaa`um mislu maa qatala minanna`ami yahkumu bihee zawaa `adlim minkum hadyam baalighal Ka`bati aw kaffaaratun ta`aamu masaakeena aw `adlu zaalika Siyaamal liyazooqa wabaala amrih; `afal laahu `ammaa salaf; wa man `aada fayanta qimul laahu minh; wallaahu `azeezun zuntiqaam
📖 Af-Soomaali
Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Dilina Ugaadha idinkoo Xarman, Ciddiise Disha oo idinka mid ah si kas ah waxaa Saaran wuxuu Dilay wax la mid ah oo Xoolo ah oy Xukumi labo Caadil ah oo idinka mid ah isagoo ah Hadiyad Gaadhi Kacbada, ama Kafaraaro gud Quudin Masaakiin ama wax u Dhigma oo Soon ah inuu Dhadhamiyo Ciqaabta amarkiisa, wuu idinka Saamaxay Eebe wixii horreeyey Ciddiise ku Noqota wuu ka aarsan Eebe, Ilaahayna waa Adkaade Aarsada.
🎧 Maqal

📜 Aayad 93-97 — Al-Maa'idah

93لَيْسَ عَلَى الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ جُنَاحٌ فِيمَا طَعِمُوا إِذَا مَا اتَّقَوا وَّآمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ ثُمَّ اتَّقَوا وَّآمَنُوا ثُمَّ اتَّقَوا وَّأَحْسَنُوا ۗ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُحْسِنِينَ
Dhib (Dhambi) ma Saarra kuwa Xaqa Rumeeyey oo Camal Fiican Falay waxay Quuteen hadday Dhawrsadaan ooy Xaqa Dhab u Rumeeyaan Camal Fiicanna Falaan, oy Xumaanta ka Dhawrsadaan oy Xaqa Rumeeyaan, Haddana Dhawrsadaan samana falaan, Eebana wuxuu Jeelyahay Samo Falayaasha.
94يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَيَبْلُوَنَّكُمُ اللَّهُ بِشَيْءٍ مِّنَ الصَّيْدِ تَنَالُهُ أَيْدِيكُمْ وَرِمَاحُكُمْ لِيَعْلَمَ اللَّهُ مَن يَخَافُهُ بِالْغَيْبِ ۚ فَمَنِ اعْتَدَىٰ بَعْدَ ذَٰلِكَ فَلَهُ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Kuwa Xaqa Rumeeyow wuxuu idinku Imtixaami Eebe wax Ugaadha ka mid ah (Waqtiga Xajka) oo Gaadhayaan Gacmihiinnu iyo waramihiinnu in Eebe Muujiyo Cidda ka cabsata isagoo kali ah, Ciddiise xad gudubta intaas ka dib wuxuu Mudan Cadaab daran.
95يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَقْتُلُوا الصَّيْدَ وَأَنتُمْ حُرُمٌ ۚ وَمَن قَتَلَهُ مِنكُم مُّتَعَمِّدًا فَجَزَاءٌ مِّثْلُ مَا قَتَلَ مِنَ النَّعَمِ يَحْكُمُ بِهِ ذَوَا عَدْلٍ مِّنكُمْ هَدْيًا بَالِغَ الْكَعْبَةِ أَوْ كَفَّارَةٌ طَعَامُ مَسَاكِينَ أَوْ عَدْلُ ذَٰلِكَ صِيَامًا لِّيَذُوقَ وَبَالَ أَمْرِهِ ۗ عَفَا اللَّهُ عَمَّا سَلَفَ ۚ وَمَنْ عَادَ فَيَنتَقِمُ اللَّهُ مِنْهُ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ ذُو انتِقَامٍ
Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Dilina Ugaadha idinkoo Xarman, Ciddiise Disha oo idinka mid ah si kas ah waxaa Saaran wuxuu Dilay wax la mid ah oo Xoolo ah oy Xukumi labo Caadil ah oo idinka mid ah isagoo ah Hadiyad Gaadhi Kacbada, ama Kafaraaro gud Quudin Masaakiin ama wax u Dhigma oo Soon ah inuu Dhadhamiyo Ciqaabta amarkiisa, wuu idinka Saamaxay Eebe wixii horreeyey Ciddiise ku Noqota wuu ka aarsan Eebe, Ilaahayna waa Adkaade Aarsada.
96أُحِلَّ لَكُمْ صَيْدُ الْبَحْرِ وَطَعَامُهُ مَتَاعًا لَّكُمْ وَلِلسَّيَّارَةِ ۖ وَحُرِّمَ عَلَيْكُمْ صَيْدُ الْبَرِّ مَا دُمْتُمْ حُرُمًا ۗ وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ
Waxaa Laydiin Baneeyey Ugaadhsiga Badda iyo Cunnadeeda idinkoo ku intifaaci iyo Socdaalba, (Idinkoo Xarman) waxaana Laydinka Reebay ka Ugaadshiga Barriga intaad Xarmantihiin, ka Dhawrsada Eebaha Xaggiisa Laydiin soo Kulmin.
97۞ جَعَلَ اللَّهُ الْكَعْبَةَ الْبَيْتَ الْحَرَامَ قِيَامًا لِّلنَّاسِ وَالشَّهْرَ الْحَرَامَ وَالْهَدْيَ وَالْقَلَائِدَ ۚ ذَٰلِكَ لِتَعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ وَأَنَّ اللَّهَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ
Wuxuu ka Yeelay ILaahay Kacbada Bayd (Guriga) Xurmada Leh, Dhawridda dadka iyo Bilaha Xurmada leh iyo Hadyada iyo Tan la Calaameeyey (Hadyada Darteed) waana inaad Ogaataan in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka iyo in Eebe wax kasta Ogyahay.
Al-Maa'idahLiiska Quraan
120Aayad
MadaniRevelation
95Aayad

Tarjumaad — Al-Maa'idah 95

Suurah Al-Maa'idah Aayad 95 - Akhri, Maqal, Tarjumaad, Soomaali : Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Dilina Ugaadha idinkoo Xarman, Ciddiise Disha…

Suurah Aayad 95/120 — Al-Maa'idah المائدة (Madani). Akhri Maqal Tarjumaad (Soomaali). Maqal: Al-Maa'idah Maqal, Al-Maa'idah Tarjumaad, Al-Maa'idah mp3, Al-Maa'idah pdf. Aayad 93–97. Af-Soomaali: Kiswahili.




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers