PDF —
49 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah At-Tuur pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah At-Tuur pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah At-Tuur Tarjumaad. Suurah At-Tuur (Makki) 49 Aayad.



49 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﮞﮟ
52:1 (Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina.
ﮠﮡﮢ
52:2 Iyo Kitaabka la dhigay,
ﮣﮤﮥﮦ
52:3 Oo ku qoran warqado la fidiyay.
ﮧﮨﮩ
52:4 Iyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur).
ﮪﮫﮬ
52:5 IYo saanqaafka la koryeelay (cirka).
ﮭﮮﮯ
52:6 Iyo Baddii la kululeeyay.
ﮰﮱﯓﯔﯕ
52:7 Ee caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan).
ﯖﯗﯘﯙﯚ
52:8 wax celinna ma jiro.
ﯛﯜﯝﯞﯟ
52:9 Waxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi.
ﯠﯡﯢﯣ
52:10 Buuruhuna socon.
ﯤﯥﯦﯧ
52:11 Halaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
ﯨﯩﯪﯫﯬﯭ
52:12 Ee ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari.
ﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
52:13 Maalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi).
ﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻ
52:14 Waatan Naartii aad beenin jirteen.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗ
52:15 Ma sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn.
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥ
52:16 Gala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen.
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫ
52:17 Kuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo.
ﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲﭳﭴ
52:18 Iyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo.
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
52:19 (Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃﮄ
52:20 Idinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn).
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
52:21 Kuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani».
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟ
52:22 waxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin.
ﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨ
52:23 Waxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn.
ﮩﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱ
52:24 Waxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray.
ﯓﯔﯕﯖﯗﯘ
52:25 Qaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin.
ﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠ
52:26 Waxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada.
ﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧ
52:27 Eebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama).
ﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲ
52:28 Waxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista.
ﯳﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻ
52:29 Ee waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee.
ﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃ
52:30 Mise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida.
ﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
52:31 Waxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚ
52:32 Mise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay.
ﭛﭜﭝﭞﭟﭠﭡﭢ
52:33 Mise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin.
ﭣﭤﭥﭦﭧﭨﭩ
52:34 Ha la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi.
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
52:35 Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda).
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺﭻ
52:36 Mise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin.
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
52:37 Mise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka.
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
52:38 Mise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad.
ﮏﮐﮑﮒﮓﮔ
52:39 Mise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal.
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
52:40 Mise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay.
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
52:41 Mise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan.
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫ
52:42 Mise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran.
ﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗ
52:43 Mise Ilaah Eebe ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada».
ﯘﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡ
52:44 Hadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis).
ﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩ
52:45 Ee iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono.
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳ
52:46 Maalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin.
ﯴﯵﯶﯷﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾ
52:47 Kuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga.
ﯿﰀﰁﰂﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
52:48 Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici.
ﰋﰌﰍﰎﰏﰐ
52:49 Habeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers