PDF —
60 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Adh-Dhaariyaat pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Adh-Dhaariyaat pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Adh-Dhaariyaat Tarjumaad. Suurah Adh-Dhaariyaat (Makki) 60 Aayad.

← QaafSuurah Adh-Dhaariyaat At-Tuur →


60 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﯤﯥﯦ
51:1 Eebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa).
ﯧﯨﯩ
51:2 Iyo daruurta xambaarta culayska (Roobka).
ﯪﯫﯬ
51:3 iyo doonnida sida fudud u socota.
ﯭﯮﯯ
51:4 Iyo Malaa'igta amarka qaybisa.
ﯰﯱﯲﯳ
51:5 Ee dadow waxa laydiinku goodin waa run.
ﯴﯵﯶﯷ
51:6 Abaalmarintuna waa sugantahay.
ﭑﭒﭓﭔ
51:7 Samada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh.
ﭕﭖﭗﭘﭙ
51:8 Ee dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan.
ﭚﭛﭜﭝﭞ
51:9 Iimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay.
ﭟﭠﭡ
51:10 Waxaana la nacladay Beenalayaasha.
ﭢﭣﭤﭥﭦﭧ
51:11 Ee ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan.
ﭨﭩﭪﭫﭬ
51:12 waxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada).
ﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
51:13 Waana maalinta naarta lagu gubi.
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
51:14 Laguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen.
ﭻﭼﭽﭾﭿﮀ
51:15 Kuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo.
ﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
51:16 Iyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala.
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒ
51:17 Waxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda.
ﮓﮔﮕﮖ
51:18 Waagana way dambi dhaaf waydiisanayeen.
ﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
51:19 Xoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan.
ﮝﮞﮟﮠﮡ
51:20 Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.
ﮢﮣﮤﮥﮦﮧ
51:21 Naftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho).
ﮨﮩﮪﮫﮬﮭ
51:22 Samada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi.
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕﯖﯗﯘ
51:23 Ebaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale.
ﯙﯚﯛﯜﯝﯞﯟ
51:24 Ma ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd.
ﯠﯡﯢﯣﯤﯥﯦﯧﯨﯩﯪ
51:25 Markay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin.
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱ
51:26 Markaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay).
ﯲﯳﯴﯵﯶﯷ
51:27 Una soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen.
ﯸﯹﯺﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂﰃ
51:28 Wuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan,
ﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌﰍ
51:29 Markaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali).
ﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕﰖﰗ
51:30 waxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗ
51:31 (Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray.
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞ
51:32 Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah.
ﭟﭠﭡﭢﭣﭤ
51:33 Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul).
ﭥﭦﭧﭨﭩ
51:34 Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay.
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯﭰ
51:35 Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray.
ﭱﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸ
51:36 kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn.
ﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀ
51:37 Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran.
ﮁﮂﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉ
51:38 (Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad.
ﮊﮋﮌﮍﮎﮏﮐ
51:39 Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay.
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘ
51:40 Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay.
ﮙﮚﮛﮜﮝﮞﮟﮠ
51:41 Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta.
ﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
51:42 Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran.
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
51:43 Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti.
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚﯛﯜﯝ
51:44 Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi.
ﯞﯟﯠﯡﯢﯣﯤﯥ
51:45 Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin.
ﯦﯧﯨﯩﯪﯫﯬﯭﯮﯯ
51:46 (Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah,
ﯰﯱﯲﯳﯴﯵ
51:47 Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay.
ﯶﯷﯸﯹﯺ
51:48 Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe).
ﯻﯼﯽﯾﯿﰀﰁﰂ
51:49 Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan.
ﰃﰄﰅﰆﰇﰈﰉﰊﰋﰌ
51:50 Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).
ﰍﰎﰏﰐﰑﰒﰓﰔﰕﰖﰗﰘﰙ
51:51 Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗﭘﭙﭚﭛﭜﭝﭞ
51:52 Xaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay.
ﭟﭠﭡﭢﭣﭤﭥﭦ
51:53 Miyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay.
ﭧﭨﭩﭪﭫﭬ
51:54 Ee Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa).
ﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
51:55 Ee wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee.
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
51:56 Jinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin.
ﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂﮃ
51:57 Kamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan.
ﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
51:58 Illeen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane.
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕ
51:59 59 Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin.
ﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝ
51:60 Halaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay.

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers