PDF —
22 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Al-Buruuj pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Al-Buruuj pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Buruuj Tarjumaad. Suurah Al-Buruuj (Makki) 22 Aayad.



22 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭛﭜﭝﭞ
85:1 Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
ﭟﭠﭡ
85:2 Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
ﭢﭣﭤ
85:3 Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
ﭥﭦﭧﭨ
85:4 Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).
ﭩﭪﭫﭬ
85:5 Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.
ﭭﭮﭯﭰﭱ
85:6 Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷﭸ
85:7 iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».
ﭹﭺﭻﭼﭽﭾﭿﮀﮁﮂ
85:8 Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
85:9 Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
ﮏﮐﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜﮝ
85:10 Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.
ﮞﮟﮠﮡﮢﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩﮪﮫﮬﮭ
85:11 Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
ﮮﮯﮰﮱﯓ
85:12 Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.
ﯔﯕﯖﯗﯘ
85:13 Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
ﯙﯚﯛﯜ
85:14 Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).
ﯝﯞﯟﯠ
85:15 Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.
ﯡﯢﯣﯤ
85:16 Wuuna falaa wuxuu doono.
ﯥﯦﯧﯨﯩ
85:17 Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).
ﯪﯫﯬ
85:18 Fircoon iyo Thamuud.
ﯭﯮﯯﯰﯱﯲ
85:19 Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).
ﯳﯴﯵﯶﯷ
85:20 Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).
ﯸﯹﯺﯻﯼ
85:21 Waase Quraan sharaf leh.
ﯽﯾﯿﰀ
85:22 Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers