Surah Al-Buruuj Carabi iyo Soomaali

Ku akhri Surah-da Al-Buruuj tarjumaad Soomaali ah oo dhamaystiran, xarfaha iyo cod-akhriska. Tarjumaad aayad kasta. (22 Aayad — مكية). Al-Buruuj Maqal, Al-Buruuj Tarjumaad, Al-Buruuj mp3, Al-Buruuj pdf.

Akhri oo Maqal Surah-da Al-Buruuj

🎧 Aayad
M Mishary Rashid Alafasy
M Mahmoud Khalil Al-Husary
A Abdurrahman As-Sudais
M Mohamed Siddiq Al-Minshawi
A Abdul Basit Abdul Samad
A Ali Al-Hudhaify
A Ahmed ibn Ali al-Ajamy
A Abu Bakr Ash-Shaatree
M Muhammad Ayyoub
A Abdullah Basfar
A Abdullah Al-Juhani
M Maher Al Muaiqly
x1
وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْبُرُوجِ ۝١
📖 Tarjumaad Aayad 1
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
وَالْيَوْمِ الْمَوْعُودِ ۝٢
📖 Tarjumaad Aayad 2
Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
وَشَاهِدٍ وَمَشْهُودٍ ۝٣
📖 Tarjumaad Aayad 3
Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
قُتِلَ أَصْحَابُ الْأُخْدُودِ ۝٤
📖 Tarjumaad Aayad 4
Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).
النَّارِ ذَاتِ الْوَقُودِ ۝٥
📖 Tarjumaad Aayad 5
Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.
إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ ۝٦
📖 Tarjumaad Aayad 6
Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.
وَهُمْ عَلَىٰ مَا يَفْعَلُونَ بِالْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ ۝٧
📖 Tarjumaad Aayad 7
iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».
وَمَا نَقَمُوا مِنْهُمْ إِلَّا أَن يُؤْمِنُوا بِاللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ ۝٨
📖 Tarjumaad Aayad 8
Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ ۝٩
📖 Tarjumaad Aayad 9
Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
إِنَّ الَّذِينَ فَتَنُوا الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ ثُمَّ لَمْ يَتُوبُوا فَلَهُمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمْ عَذَابُ الْحَرِيقِ ۝١٠
📖 Tarjumaad Aayad 10
Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْكَبِيرُ ۝١١
📖 Tarjumaad Aayad 11
Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
إِنَّ بَطْشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ ۝١٢
📖 Tarjumaad Aayad 12
Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.
إِنَّهُ هُوَ يُبْدِئُ وَيُعِيدُ ۝١٣
📖 Tarjumaad Aayad 13
Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
وَهُوَ الْغَفُورُ الْوَدُودُ ۝١٤
📖 Tarjumaad Aayad 14
Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).
ذُو الْعَرْشِ الْمَجِيدُ ۝١٥
📖 Tarjumaad Aayad 15
Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.
فَعَّالٌ لِّمَا يُرِيدُ ۝١٦
📖 Tarjumaad Aayad 16
Wuuna falaa wuxuu doono.
هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْجُنُودِ ۝١٧
📖 Tarjumaad Aayad 17
Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).
فِرْعَوْنَ وَثَمُودَ ۝١٨
📖 Tarjumaad Aayad 18
Fircoon iyo Thamuud.
بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي تَكْذِيبٍ ۝١٩
📖 Tarjumaad Aayad 19
Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).
وَاللَّهُ مِن وَرَائِهِم مُّحِيطٌ ۝٢٠
📖 Tarjumaad Aayad 20
Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).
بَلْ هُوَ قُرْآنٌ مَّجِيدٌ ۝٢١
📖 Tarjumaad Aayad 21
Waase Quraan sharaf leh.
فِي لَوْحٍ مَّحْفُوظٍ ۝٢٢
📖 Tarjumaad Aayad 22
Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).
← 84 Al-Buruuj (85/114) 86 →
Akhri Surah Al-Buruuj Af-Soomaali – Turjumaad iyo Codsi

85البروج Al-Buruj 📚 22 Aayad مكية

Aayad kasta – Surah Al-Buruuj — 22 Aayad




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers