Al-Hajj · 6/78
Tarjumaad Xarfaha — Suurah Al-Hajj
ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّهُ يُحْيِي الْمَوْتَىٰ وَأَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ ۝٦
Zaalika bi annal laaha Huwal haqqu wa annahoo yuhyil mawtaa wa annahoo `alaakulli shai`in Qadeer
📖 Af-Soomaali
Tassna waxaa ugu Wacan in Eebe uun Xaq yahay uuna Nooleeyo waxa Dhintay iyo inuu wax walba Karo.

🎧 Maqal
📜

Tarjumaad — Tafsir

Macnada Erayada:

  • Al-Haq (الحق): Waa kan runta ah, kan cibaadada uu muto, kana sugnaaday khalqigiisa.
  • Yuḥyī al-mawtā (يُحْيِي الْمَوْتَى): Waa inuu soo nooleeyo dadkii dhintay si uu u xisaabtamo.

Tafsiirka Aayadda:

Aayaddan waxay ku xidhan tahay waxa ka horreeyay oo ku saabsan abuurista dadka iyo doogga iyo roobka, waxayna caddaynaysaa in arrimahan la soo sheegay ay yihiin caddayn ku filan oo muujinaysa in Alle uun yahay Ilaaha runta ah, ee mutaysan cibaadada, maadaama uu yahay kan abuuray wax walba, isaga uun baa cibaado u sugnaatay, ma aha sanamyada ay caabudaan gaaladu, kuwaas oon waxba tarayn.

Sidoo kale, waxay caddaynaysaa in Alle uu nooleeyo dadkii dhintay, isagoo soo celin doona qiyaamada si uu u xisaabtamo, isaguna wax walba uu karaa, waxba kama cuslaado abuurista dadka iyo soo nooleyntooda, sida uu u abuuray markii hore ayay soo celintiisu u fududahay.

Faa'iidooyin laga qaato:

  1. Aayaddan waxay xoojinaysaa iimaanka si toos ah, waxayna dadka ku baraarujinaysaa in Alle yahay kan uun cibaadada mutaystay, isagoon la wadaagin waxba.
  2. Waxay dadka ku hanuuninaysaa inay fikiraan abuurista iyo nolosha, si ay u gartaan qudrada Alle, una xoojiyaan yaqiinkooda.
  3. Waxay ku bishaaraynaysa mu'miniinta in soo nooleynta ay tahay xaq sugan, taasoo ku xidhan xisaabta iyo abaalmarinta, waxayna ku dhiirigelinaysaa inay ku camal falaan wanaagga iyagoo rajaynaya khayrka Alle.


📜 Aayad 4-8 — Suurah Al-Hajj

4كُتِبَ عَلَيْهِ أَنَّهُ مَن تَوَلَّاهُ فَأَنَّهُ يُضِلُّهُ وَيَهْدِيهِ إِلَىٰ عَذَابِ السَّعِيرِ
Waxa loo Qoray (Shaydaan) Ruuxii Talada u Dhiibta (Raaca) inuu Baadiyeeyo kuna Toosiyo Cadaabka
5يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِن كُنتُمْ فِي رَيْبٍ مِّنَ الْبَعْثِ فَإِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ مِنْ عَلَقَةٍ ثُمَّ مِن مُّضْغَةٍ مُّخَلَّقَةٍ وَغَيْرِ مُخَلَّقَةٍ لِّنُبَيِّنَ لَكُمْ ۚ وَنُقِرُّ فِي الْأَرْحَامِ مَا نَشَاءُ إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى ثُمَّ نُخْرِجُكُمْ طِفْلًا ثُمَّ لِتَبْلُغُوا أَشُدَّكُمْ ۖ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ وَمِنكُم مَّن يُرَدُّ إِلَىٰ أَرْذَلِ الْعُمُرِ لِكَيْلَا يَعْلَمَ مِن بَعْدِ عِلْمٍ شَيْئًا ۚ وَتَرَى الْأَرْضَ هَامِدَةً فَإِذَا أَنزَلْنَا عَلَيْهَا الْمَاءَ اهْتَزَّتْ وَرَبَتْ وَأَنبَتَتْ مِن كُلِّ زَوْجٍ بَهِيجٍ
Dadow haddaad Tihiin kuwo Shakisan oo Bixinta Annagaa idinka Abuurray Carro, Hadaana Dhibic Haddana Calaqo, Hadaana Goosin la Abuuray iyo Midaan la Abuurin si aan idiinku Caddayno (Qudrada Eebe) waxaana ku sugnaa Makaanka waxaan Doono Tan iyo Muddo Magacaaban, markaasaan idin soo Bixinaynaa Idinkoo Yar, markaas inaad Gaadhaan Xooggiinna: waxaa idinka mid ah Cid la oofsan (Dhiman) waxaana idinka mid ah kuwo loo celin Cimri Liita (Gabow) si ayna u Garanin intay wax Yaqiineen ka dib waxba, waxaad Arkaysaa Dhuloo Abaar (Dhimaad) ah markaan ku soo Dejinno Korkeeda Biyana way Gilgilataa wayna Kortaa, waxayna soo Bixisaa Nooc kastoo Quruxsan.
6ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّهُ يُحْيِي الْمَوْتَىٰ وَأَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Tassna waxaa ugu Wacan in Eebe uun Xaq yahay uuna Nooleeyo waxa Dhintay iyo inuu wax walba Karo.
7وَأَنَّ السَّاعَةَ آتِيَةٌ لَّا رَيْبَ فِيهَا وَأَنَّ اللَّهَ يَبْعَثُ مَن فِي الْقُبُورِ
Iyo in Saacadda Qiyaame iman Shaki la'aan, Eebana wuxuu soo Bixin waxa Qubuuraha ku Sugan.
8وَمِنَ النَّاسِ مَن يُجَادِلُ فِي اللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا كِتَابٍ مُّنِيرٍ
Dadka waxaa ka mid ah mid ku Dloodi Eebe Cilmi La'aan iyo Hanuun La'aan iyo Kitaab wax Nuurin la'aantiis.
Al-HajjLiiska Quraan
78Aayad
MadaniRevelation
6Aayad

Tarjumaad — Al-Hajj 6

Suurah Al-Hajj Aayad 6 - Akhri, Maqal, Tarjumaad, Soomaali : Tassna waxaa ugu Wacan in Eebe uun Xaq yahay uuna…

Suurah Aayad 6/78 — Suurah Al-Hajj الحج (Madani). Akhri Maqal Tarjumaad (Soomaali). Maqal: Suurah Al-Hajj Maqal, Suurah Al-Hajj Tarjumaad, Suurah Al-Hajj mp3, Suurah Al-Hajj pdf. Aayad 4–8. Af-Soomaali: Kiswahili.




Quraanka Kariimka


Monday, September 7, 2026

Don't forget us in your sincere prayers