PDF —
20 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Al-Balad pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Al-Balad pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Balad Tarjumaad. Suurah Al-Balad (Makki) 20 Aayad.

← Al-FajrSuurah Al-Balad Ash-Shams →


20 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭽﭾﭿﮀﮁ
90:1 Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan».
ﮂﮃﮄﮅﮆ
90:2 Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda.
ﮇﮈﮉﮊ
90:3 Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka».
ﮋﮌﮍﮎﮏﮐ
90:4 Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi).
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖﮗ
90:5 Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).
ﮘﮙﮚﮛﮜ
90:6 Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
90:7 Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.
ﮣﮤﮥﮦﮧ
90:8 Miyaannaan u yeelin Laba indhood.
ﮨﮩﮪ
90:9 Iyo Carrab iyo Laba bishimood.
ﮫﮬﮭ
90:10 Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka).
ﮮﮯﮰﮱ
90:11 Ee Dadku muu jiidho Jiirta.
ﯓﯔﯕﯖﯗ
90:12 Ma taqaannaa Jiirta.
ﯘﯙﯚ
90:13 Waa qoor la xoreeyo.
ﯛﯜﯝﯞﯟﯠﯡ
90:14 Iyo cunno la siiyo maalin gaajo.
ﯢﯣﯤﯥ
90:15 Agoon kuu dhaw.
ﯦﯧﯨﯩﯪ
90:16 Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed).
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
90:17 Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista.
ﯵﯶﯷﯸ
90:18 Kuwaasina waa kuwa Midigta mari.
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖﭗ
90:19 Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.
ﭘﭙﭚﭛ
90:20 Waxaana lagu dabooli Naar.

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers