Surah Al-Balad Carabi iyo Soomaali

Ku akhri Surah-da Al-Balad tarjumaad Soomaali ah oo dhamaystiran, xarfaha iyo cod-akhriska. Tarjumaad aayad kasta. (20 Aayad — مكية). Al-Balad Maqal, Al-Balad Tarjumaad, Al-Balad mp3, Al-Balad pdf.

Akhri oo Maqal Surah-da Al-Balad

🎧 Aayad
M Mishary Rashid Alafasy
M Mahmoud Khalil Al-Husary
A Abdurrahman As-Sudais
M Mohamed Siddiq Al-Minshawi
A Abdul Basit Abdul Samad
A Ali Al-Hudhaify
A Ahmed ibn Ali al-Ajamy
A Abu Bakr Ash-Shaatree
M Muhammad Ayyoub
A Abdullah Basfar
A Abdullah Al-Juhani
M Maher Al Muaiqly
x1
لَا أُقْسِمُ بِهَٰذَا الْبَلَدِ ۝١
📖 Tarjumaad Aayad 1
Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan».
وَأَنتَ حِلٌّ بِهَٰذَا الْبَلَدِ ۝٢
📖 Tarjumaad Aayad 2
Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda.
وَوَالِدٍ وَمَا وَلَدَ ۝٣
📖 Tarjumaad Aayad 3
Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka».
لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ فِي كَبَدٍ ۝٤
📖 Tarjumaad Aayad 4
Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi).
أَيَحْسَبُ أَن لَّن يَقْدِرَ عَلَيْهِ أَحَدٌ ۝٥
📖 Tarjumaad Aayad 5
Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku).
يَقُولُ أَهْلَكْتُ مَالًا لُّبَدًا ۝٦
📖 Tarjumaad Aayad 6
Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado).
أَيَحْسَبُ أَن لَّمْ يَرَهُ أَحَدٌ ۝٧
📖 Tarjumaad Aayad 7
Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin.
أَلَمْ نَجْعَل لَّهُ عَيْنَيْنِ ۝٨
📖 Tarjumaad Aayad 8
Miyaannaan u yeelin Laba indhood.
وَلِسَانًا وَشَفَتَيْنِ ۝٩
📖 Tarjumaad Aayad 9
Iyo Carrab iyo Laba bishimood.
وَهَدَيْنَاهُ النَّجْدَيْنِ ۝١٠
📖 Tarjumaad Aayad 10
Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka).
فَلَا اقْتَحَمَ الْعَقَبَةَ ۝١١
📖 Tarjumaad Aayad 11
Ee Dadku muu jiidho Jiirta.
وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْعَقَبَةُ ۝١٢
📖 Tarjumaad Aayad 12
Ma taqaannaa Jiirta.
فَكُّ رَقَبَةٍ ۝١٣
📖 Tarjumaad Aayad 13
Waa qoor la xoreeyo.
أَوْ إِطْعَامٌ فِي يَوْمٍ ذِي مَسْغَبَةٍ ۝١٤
📖 Tarjumaad Aayad 14
Iyo cunno la siiyo maalin gaajo.
يَتِيمًا ذَا مَقْرَبَةٍ ۝١٥
📖 Tarjumaad Aayad 15
Agoon kuu dhaw.
أَوْ مِسْكِينًا ذَا مَتْرَبَةٍ ۝١٦
📖 Tarjumaad Aayad 16
Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed).
ثُمَّ كَانَ مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا وَتَوَاصَوْا بِالصَّبْرِ وَتَوَاصَوْا بِالْمَرْحَمَةِ ۝١٧
📖 Tarjumaad Aayad 17
Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista.
أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْمَيْمَنَةِ ۝١٨
📖 Tarjumaad Aayad 18
Kuwaasina waa kuwa Midigta mari.
وَالَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا هُمْ أَصْحَابُ الْمَشْأَمَةِ ۝١٩
📖 Tarjumaad Aayad 19
Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari.
عَلَيْهِمْ نَارٌ مُّؤْصَدَةٌ ۝٢٠
📖 Tarjumaad Aayad 20
Waxaana lagu dabooli Naar.
← 89 Al-Balad (90/114) 91 →
Akhri Surah Al-Balad Af-Soomaali – Turjumaad iyo Codsi

90البلد Al-Balad 📚 20 Aayad مكية

Aayad kasta – Surah Al-Balad — 20 Aayad




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers