PDF —
15 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Ash-Shams pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Ash-Shams pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Ash-Shams Tarjumaad. Suurah Ash-Shams (Makki) 15 Aayad.

← Al-BaladSuurah Ash-Shams Al-Layl →


15 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭜﭝﭞ
91:1 Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda.
ﭟﭠﭡﭢ
91:2 Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco.
ﭣﭤﭥﭦ
91:3 Iyo Maalintu markay ifiso.
ﭧﭨﭩﭪ
91:4 Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado).
ﭫﭬﭭﭮ
91:5 Iyo Samada iyo say u dhisantahay.
ﭯﭰﭱﭲ
91:6 Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay.
ﭳﭴﭵﭶ
91:7 Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay.
ﭷﭸﭹﭺ
91:8 Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba.
ﭻﭼﭽﭾﭿ
91:9 Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya.
ﮀﮁﮂﮃﮄ
91:10 Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.
ﮅﮆﮇﮈ
91:11 Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis.
ﮉﮊﮋﮌ
91:12 Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo).
ﮍﮎﮏﮐﮑﮒﮓﮔ
91:13 Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda.
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
91:14 Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis.
ﮝﮞﮟﮠ
91:15 Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers