Surah Al-A'laa Carabi iyo Soomaali

Ku akhri Surah-da Al-A'laa tarjumaad Soomaali ah oo dhamaystiran, xarfaha iyo cod-akhriska. Tarjumaad aayad kasta. (19 Aayad — مكية). Al-A'laa Maqal, Al-A'laa Tarjumaad, Al-A'laa mp3, Al-A'laa pdf.

Akhri oo Maqal Surah-da Al-A'laa

🎧 Aayad
M Mishary Rashid Alafasy
M Mahmoud Khalil Al-Husary
A Abdurrahman As-Sudais
M Mohamed Siddiq Al-Minshawi
A Abdul Basit Abdul Samad
A Ali Al-Hudhaify
A Ahmed ibn Ali al-Ajamy
A Abu Bakr Ash-Shaatree
M Muhammad Ayyoub
A Abdullah Basfar
A Abdullah Al-Juhani
M Maher Al Muaiqly
x1
سَبِّحِ اسْمَ رَبِّكَ الْأَعْلَى ۝١
📖 Tarjumaad Aayad 1
Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya.
الَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ ۝٢
📖 Tarjumaad Aayad 2
Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna.
وَالَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ ۝٣
📖 Tarjumaad Aayad 3
Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey.
وَالَّذِي أَخْرَجَ الْمَرْعَىٰ ۝٤
📖 Tarjumaad Aayad 4
Eebaha soo bixiya Daaqa.
فَجَعَلَهُ غُثَاءً أَحْوَىٰ ۝٥
📖 Tarjumaad Aayad 5
Kana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow.
سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰ ۝٦
📖 Tarjumaad Aayad 6
Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid.
إِلَّا مَا شَاءَ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ يَعْلَمُ الْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ ۝٧
📖 Tarjumaad Aayad 7
Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ ۝٨
📖 Tarjumaad Aayad 8
Waxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican.
فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ الذِّكْرَىٰ ۝٩
📖 Tarjumaad Aayad 9
Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu.
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ ۝١٠
📖 Tarjumaad Aayad 10
Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee.
وَيَتَجَنَّبُهَا الْأَشْقَى ۝١١
📖 Tarjumaad Aayad 11
Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.
الَّذِي يَصْلَى النَّارَ الْكُبْرَىٰ ۝١٢
📖 Tarjumaad Aayad 12
Ee ah mid gali Naar wayn.
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ ۝١٣
📖 Tarjumaad Aayad 13
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn.
قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ ۝١٤
📖 Tarjumaad Aayad 14
Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda.
وَذَكَرَ اسْمَ رَبِّهِ فَصَلَّىٰ ۝١٥
📖 Tarjumaad Aayad 15
magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada.
بَلْ تُؤْثِرُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا ۝١٦
📖 Tarjumaad Aayad 16
Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw.
وَالْآخِرَةُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ ۝١٧
📖 Tarjumaad Aayad 17
Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi).
إِنَّ هَٰذَا لَفِي الصُّحُفِ الْأُولَىٰ ۝١٨
📖 Tarjumaad Aayad 18
Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore.
صُحُفِ إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَىٰ ۝١٩
📖 Tarjumaad Aayad 19
Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.
← 86 Al-A'laa (87/114) 88 →
Akhri Surah Al-A'laa Af-Soomaali – Turjumaad iyo Codsi

87الأعلى Al-A'la 📚 19 Aayad مكية

Aayad kasta – Surah Al-A'laa — 19 Aayad




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers