Fussilat · 6/54
Tarjumaad Xarfaha — Suurah Fussilat
قُلْ إِنَّمَا أَنَا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰ إِلَيَّ أَنَّمَا إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ فَاسْتَقِيمُوا إِلَيْهِ وَاسْتَغْفِرُوهُ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْمُشْرِكِينَ ۝٦
Qul innamaaa ana basharum mislukum yoohaaa ilaiya annamaaa ilaahukum Ilaahunw Waahidun fastaqeemooo ilaihi wastagfirooh; wa wailul lil mushrikeen
📖 Af-Soomaali
Waxaad dhahdaa Nabiyow anigu waxaan uun ahay bashar (Dad) idinkookale ah, waxaana la iiwaxyooday in Eebehenno yahay Eebe kaliya, ee u toosnaada xaggiisa, kana dambidhaaf waydiista, halaagna wuxuu u sugnaaday mushrikiinta.

🎧 Maqal
📜

Tarjumaad — Tafsir

Macnaha ereyada:

  • فَاسْتَقِيمُوا إِلَيْهِ: U toosnaada Allaah, una hogaansama isaga oo kaliya, iskagana iilaada caabudidda waxaan ahayn isaga.
  • وَاسْتَغْفِرُوهُ: Magfaro weydiista Allaah dembiyadiinna.
  • وَيْلٌ: Halaag iyo cadaab daran.

Tafsiirka:

Waxaad yidhaahdaa (Nabiyow) kuwa diidaya xaqa: Anigu ma ihi malaa'ig, mana ihi jinni, ee waxaan ahay dad idinla mid ah oo dad idinka mid ah. Hase yeeshee Allaah wuxuu ii soo waxyooday cibaadada kaliya ee uu iga rabo inaan idin ku barto, taasoo ah inaan idinku yidhaahdo: Allaahiinna (uu xaq u leeyahay in la caabudo) waa Ilaah kaliya, wax la wadaagana ma leh. Ee u toosnaada isaga oo kaliya, una hogaansama amarkiisa, kana fogaada waxa uu idinka reebay, magfaro weydiistana dembiyadiinna. Halaag iyo cadaab baana u sugnaaday mushrikiinta (kuwa Allaah wax la wadaajiya) ee caabuda sanamyada aan waxba tarin waxba dhibin, ee aan nafahooda u daahirin tawxiidka Eebahood, oo aan u hogaansamin isaga, isla markaana aan rumeyn aakhiro, sidaas darteed wax kama tarayaan Muxammad (NNKH) rumayntooda.


Faa'iidooyin laga qaato aayadda:

  1. Nabigu wuxuu yahay dad idinka mid ah, taasoo muujinaysa in cibaadada loo jeediyo Allaah oo kaliya, ee Nabiga looma cibaadeeyo, laakiin waa in la raaco oo la tusaaleysanayaa.
  2. Ilaahay waa mid kaliya, isaga oo aan wax la wadaagin, waana asalka diinta Islaamka ee loo yeedho dadka.
  3. Dadka waxaa lagu farayaa inay u toosnaadaan Allaah oo ay magfaro weydiistaan, taasoo ah inay isku xoreeyaan dembiyada oo ay u noqdaan Allaah.
  4. Mushrikiinta waxaa u sugnaaday halaag, taasoo ku digaysa in laga fogaado shirk oo laga cabsado, isla markaana ku boorrinaysa in la ilaaliyo tawxiidka.


📜 Aayad 4-8 — Suurah Fussilat

4بَشِيرًا وَنَذِيرًا فَأَعْرَضَ أَكْثَرُهُمْ فَهُمْ لَا يَسْمَعُونَ
Waana bishaareeye u dige ah, waase ka jeedsadeen badankoodu waxna ma maqlayaan.
5وَقَالُوا قُلُوبُنَا فِي أَكِنَّةٍ مِّمَّا تَدْعُونَا إِلَيْهِ وَفِي آذَانِنَا وَقْرٌ وَمِن بَيْنِنَا وَبَيْنِكَ حِجَابٌ فَاعْمَلْ إِنَّنَا عَامِلُونَ
Waxayna dheheen quluubtanadu waxay kaga sugantahay dabool waxaad noogu yeedhi, dhagahanagana waxaa kaga jira culeys, dhexdanada iyo adigana waxaa ah xijaab, ee camal fal anana waancamalfaleynaaye.
6قُلْ إِنَّمَا أَنَا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰ إِلَيَّ أَنَّمَا إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ فَاسْتَقِيمُوا إِلَيْهِ وَاسْتَغْفِرُوهُ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْمُشْرِكِينَ
Waxaad dhahdaa Nabiyow anigu waxaan uun ahay bashar (Dad) idinkookale ah, waxaana la iiwaxyooday in Eebehenno yahay Eebe kaliya, ee u toosnaada xaggiisa, kana dambidhaaf waydiista, halaagna wuxuu u sugnaaday mushrikiinta.
7الَّذِينَ لَا يُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَهُم بِالْآخِرَةِ هُمْ كَافِرُونَ
Kuwaan bixinin zakada ahna aakhiro kuwa ka gaaloobey.
8إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ
Kuwa xaqa rumeeyeyse oo camalfiican falay waxaa usugnaaday ajri aan guraynin.
FussilatLiiska Quraan
54Aayad
MakkiRevelation
6Aayad

Tarjumaad — Fussilat 6

Suurah Fussilat Aayad 6 - Akhri, Maqal, Tarjumaad, Soomaali : Waxaad dhahdaa Nabiyow anigu waxaan uun ahay bashar (Dad) idinkookale…

Suurah Aayad 6/54 — Suurah Fussilat فصلت (Makki). Akhri Maqal Tarjumaad (Soomaali). Maqal: Suurah Fussilat Maqal, Suurah Fussilat Tarjumaad, Suurah Fussilat mp3, Suurah Fussilat pdf. Aayad 4–8. Af-Soomaali: Kiswahili.




Quraanka Kariimka


Tuesday, September 8, 2026

Don't forget us in your sincere prayers