PDF —
19 Aayad Makki PDF
Built right in your browser — download starts automatically

Suurah Al-Infitar pdf — Soo Dejiso (Soomaali)

Suurah Al-Infitar pdf Soomaali — Soo Dejiso Suurah Al-Infitar Tarjumaad. Suurah Al-Infitar (Makki) 19 Aayad.



19 Aayad · Makki · Soomaali
bismillah
ﭑﭒﭓﭔ
82:1 Markay Samadu Dildillaacdo.
ﭕﭖﭗﭘ
82:2 Xiddiguhuna daataan.
ﭙﭚﭛﭜ
82:3 Badahana laysku furo.
ﭝﭞﭟﭠ
82:4 Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).
ﭡﭢﭣﭤﭥﭦ
82:5 Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.
ﭧﭨﭩﭪﭫﭬﭭ
82:6 Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.
ﭮﭯﭰﭱﭲ
82:7 Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
82:8 Siduu doonana kuu sameeyey.
ﭺﭻﭼﭽﭾ
82:9 Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.
ﭿﮀﮁﮂ
82:10 Malaa'ig baana idin ilaalinaysa.
ﮃﮄﮅ
82:11 Oo sharaf leh waxna qori.
ﮆﮇﮈﮉ
82:12 Ogna waxaad falaysaan.
ﮊﮋﮌﮍﮎ
82:13 Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.
ﮏﮐﮑﮒﮓ
82:14 Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.
ﮔﮕﮖﮗ
82:15 Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta.
ﮘﮙﮚﮛﮜ
82:16 Kamana maqnaadaan Naarta.
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
82:17 Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.
ﮣﮤﮥﮦﮧﮨﮩ
82:18 Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.
ﮪﮫﮬﮭﮮﮯﮰﮱﯓﯔﯕ
82:19 Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.

Quraanka Kariimka


Wednesday, September 9, 2026

Don't forget us in your sincere prayers