Surah Al-Infitar Carabi iyo Soomaali

Ku akhri Surah-da Al-Infitar tarjumaad Soomaali ah oo dhamaystiran, xarfaha iyo cod-akhriska. Tarjumaad aayad kasta. (19 Aayad — مكية). Al-Infitar Maqal, Al-Infitar Tarjumaad, Al-Infitar mp3, Al-Infitar pdf.

Akhri oo Maqal Surah-da Al-Infitar

🎧 Aayad
M Mishary Rashid Alafasy
M Mahmoud Khalil Al-Husary
A Abdurrahman As-Sudais
M Mohamed Siddiq Al-Minshawi
A Abdul Basit Abdul Samad
A Ali Al-Hudhaify
A Ahmed ibn Ali al-Ajamy
A Abu Bakr Ash-Shaatree
M Muhammad Ayyoub
A Abdullah Basfar
A Abdullah Al-Juhani
M Maher Al Muaiqly
x1
إِذَا السَّمَاءُ انفَطَرَتْ ۝١
📖 Tarjumaad Aayad 1
Markay Samadu Dildillaacdo.
وَإِذَا الْكَوَاكِبُ انتَثَرَتْ ۝٢
📖 Tarjumaad Aayad 2
Xiddiguhuna daataan.
وَإِذَا الْبِحَارُ فُجِّرَتْ ۝٣
📖 Tarjumaad Aayad 3
Badahana laysku furo.
وَإِذَا الْقُبُورُ بُعْثِرَتْ ۝٤
📖 Tarjumaad Aayad 4
Xabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).
عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ ۝٥
📖 Tarjumaad Aayad 5
Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.
يَا أَيُّهَا الْإِنسَانُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ الْكَرِيمِ ۝٦
📖 Tarjumaad Aayad 6
Dadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.
الَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّاكَ فَعَدَلَكَ ۝٧
📖 Tarjumaad Aayad 7
Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.
فِي أَيِّ صُورَةٍ مَّا شَاءَ رَكَّبَكَ ۝٨
📖 Tarjumaad Aayad 8
Siduu doonana kuu sameeyey.
كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِالدِّينِ ۝٩
📖 Tarjumaad Aayad 9
Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.
وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَافِظِينَ ۝١٠
📖 Tarjumaad Aayad 10
Malaa'ig baana idin ilaalinaysa.
كِرَامًا كَاتِبِينَ ۝١١
📖 Tarjumaad Aayad 11
Oo sharaf leh waxna qori.
يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ ۝١٢
📖 Tarjumaad Aayad 12
Ogna waxaad falaysaan.
إِنَّ الْأَبْرَارَ لَفِي نَعِيمٍ ۝١٣
📖 Tarjumaad Aayad 13
Kuwa wanaagsani waxay gali Naciima.
وَإِنَّ الْفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٍ ۝١٤
📖 Tarjumaad Aayad 14
Kuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.
يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ الدِّينِ ۝١٥
📖 Tarjumaad Aayad 15
Wayna ku guban Maalinta abaalmarinta.
وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَائِبِينَ ۝١٦
📖 Tarjumaad Aayad 16
Kamana maqnaadaan Naarta.
وَمَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الدِّينِ ۝١٧
📖 Tarjumaad Aayad 17
Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.
ثُمَّ مَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الدِّينِ ۝١٨
📖 Tarjumaad Aayad 18
Haddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.
يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌ لِّنَفْسٍ شَيْئًا ۖ وَالْأَمْرُ يَوْمَئِذٍ لِّلَّهِ ۝١٩
📖 Tarjumaad Aayad 19
Waa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.
← 81 Al-Infitar (82/114) 83 →
Akhri Surah Al-Infitar Af-Soomaali – Turjumaad iyo Codsi

82الإنفطار Al-Infitar 📚 19 Aayad مكية

Aayad kasta – Surah Al-Infitar — 19 Aayad




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers