Surah Al-Inshiqaaq Carabi iyo Soomaali

Ku akhri Surah-da Al-Inshiqaaq tarjumaad Soomaali ah oo dhamaystiran, xarfaha iyo cod-akhriska. Tarjumaad aayad kasta. (25 Aayad — مكية). Al-Inshiqaaq Maqal, Al-Inshiqaaq Tarjumaad, Al-Inshiqaaq mp3, Al-Inshiqaaq pdf.

Akhri oo Maqal Surah-da Al-Inshiqaaq

🎧 Aayad
M Mishary Rashid Alafasy
M Mahmoud Khalil Al-Husary
A Abdurrahman As-Sudais
M Mohamed Siddiq Al-Minshawi
A Abdul Basit Abdul Samad
A Ali Al-Hudhaify
A Ahmed ibn Ali al-Ajamy
A Abu Bakr Ash-Shaatree
M Muhammad Ayyoub
A Abdullah Basfar
A Abdullah Al-Juhani
M Maher Al Muaiqly
x1
إِذَا السَّمَاءُ انشَقَّتْ ۝١
📖 Tarjumaad Aayad 1
Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada).
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ ۝٢
📖 Tarjumaad Aayad 2
Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.
وَإِذَا الْأَرْضُ مُدَّتْ ۝٣
📖 Tarjumaad Aayad 3
Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada).
وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ ۝٤
📖 Tarjumaad Aayad 4
Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ ۝٥
📖 Tarjumaad Aayad 5
Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa).
يَا أَيُّهَا الْإِنسَانُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًا فَمُلَاقِيهِ ۝٦
📖 Tarjumaad Aayad 6
Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi.
فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ ۝٧
📖 Tarjumaad Aayad 7
Ruusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee).
فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا ۝٨
📖 Tarjumaad Aayad 8
Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
وَيَنقَلِبُ إِلَىٰ أَهْلِهِ مَسْرُورًا ۝٩
📖 Tarjumaad Aayad 9
Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan.
وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ وَرَاءَ ظَهْرِهِ ۝١٠
📖 Tarjumaad Aayad 10
Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune).
فَسَوْفَ يَدْعُو ثُبُورًا ۝١١
📖 Tarjumaad Aayad 11
Wuxuu u yeedhan Halaag.
وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا ۝١٢
📖 Tarjumaad Aayad 12
Wuxuuna gali Naarta Saciira.
إِنَّهُ كَانَ فِي أَهْلِهِ مَسْرُورًا ۝١٣
📖 Tarjumaad Aayad 13
Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii).
إِنَّهُ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ ۝١٤
📖 Tarjumaad Aayad 14
Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame).
بَلَىٰ إِنَّ رَبَّهُ كَانَ بِهِ بَصِيرًا ۝١٥
📖 Tarjumaad Aayad 15
Saas ma ahee Eebe waa arkaa.
فَلَا أُقْسِمُ بِالشَّفَقِ ۝١٦
📖 Tarjumaad Aayad 16
Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca.
وَاللَّيْلِ وَمَا وَسَقَ ۝١٧
📖 Tarjumaad Aayad 17
Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay.
وَالْقَمَرِ إِذَا اتَّسَقَ ۝١٨
📖 Tarjumaad Aayad 18
Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo.
لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍ ۝١٩
📖 Tarjumaad Aayad 19
Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/
فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ ۝٢٠
📖 Tarjumaad Aayad 20
Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa).
وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ الْقُرْآنُ لَا يَسْجُدُونَ ۩ ۝٢١
📖 Tarjumaad Aayad 21
Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.
بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا يُكَذِّبُونَ ۝٢٢
📖 Tarjumaad Aayad 22
Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa).
وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُوعُونَ ۝٢٣
📖 Tarjumaad Aayad 23
Eebana waa ogyahay waxay qarsan.
فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ ۝٢٤
📖 Tarjumaad Aayad 24
Ugu bishaaree caddibaad daran.
إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ ۝٢٥
📖 Tarjumaad Aayad 25
Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin.
← 83 Al-Inshiqaaq (84/114) 85 →
Akhri Surah Al-Inshiqaaq Af-Soomaali – Turjumaad iyo Codsi

84الإنشقاق Al-Inshiqaq 📚 25 Aayad مكية

Aayad kasta – Surah Al-Inshiqaaq — 25 Aayad




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers