Wa yasta`jiloonaka bis saiyi`ati qablal hasanati wa qad khalat min qablihimul masulaat; wa inna Rabbaka lazoo maghfiratil linnaasi `alaa zulmihim wa inna Rabbaka lashadeedul `iqaab
📖 Tarjumaad (Af-Soomaali)
📖 Af-Soomaali
Waxayna kaa Dedejisan Xumaan wanaag ka hor Iyadooy Tagtay Hortood tusaalayaal (Ciqaabeed) Eebahaana waa u danbi Dhaafaha dadka iyagoo Dulmi ku sugan Eebahaana waa Ciqaab darane.
🌐 Additional reference in Kiswahili
🌐 Kiswahili
Na wanakuhimiza ulete maovu kabla ya mema, hali ya kuwa zimekwisha pita kabla yao adhabu za kupigiwa mfano. Na hakika Mola wako Mlezi ni Mwenye msamaha kwa watu juu ya udhalimu wao. Na hakika Mola wako Mlezi ni Mkali wa kuadhibu.
الْمَثُلَاتُ: Ciqaabihii ummadihii hore ee beeniyay rasuulladooda.
Tafsiirka:
Waxay ku soo dedejinayaan Nabiyow, mushrikiintu ciqaabta iyo belaayada ka hor naxariista iyo cefimada, iyagoo ku jeesjeesi hadalkaaga oo dhihi: "Hadda noo keen wixii aad noogu goodinayso!" Iyagoo og in ciqaabo badan oo la mid ah kuwii dadkii hore ee beeniyay rasuulladooda ay hor maray, sida caad iyo thamuud iyo kuwa la midka ah. Haddaba maxay ugu dedejinayaan waxa ay ogyihiin inuu ku dhacay kuwii ka horreeyay?
Eebahaagu waa Dhaafid Badan, wuxuu u dhaafaa dadka dembiyadooda inkastoo ay nafahooda dulmiyeen iyagoo gaalnimo iyo caasinimo ku shuqloonsan, haddii ay toobad keenaan. Laakiin Eebahaagu waa Ciqaab Kudhag Adag, wuxuu si daran u ciqaabaa kuwa ku madax adayga gaalnimada iyo xumaan-ku-habashada, isagoon toobad keenin.
Faa'iidooyin laga qaadan karo aayadda:
Naxariista Eebe way weyn tahay oo waxay ka horraysaa ciqaabtiisa; wuxuu u sugi dadka si ay u toobadkeenaan, isagoo ah Eebe Dhaafid Badan.
Ummadihii hore ee beeniyay rasuulladooda waxaa ku dhacay ciqaab Eebe, taasoo waano iyo digtoonaan u ah kuwa hadda jira.
Ciqaabta Eebe waa mid daran oo aan laga baxsan karin, marka qofku ku madax adaygo xumaanta isagoon toobad keenin, taasoo ku baraarujinaysa muslimka inuu ku degdego toobadda ka hor geerida.
SurahQuran.com was founded as a humble effort to serve the Noble Book and the pure Sunnah, to invite people to Allah, and to make the religious sciences accessible according to the methodology of the Quran and Sunnah. We praise and thank Allah for His grace, and we ask Him to accept our work and make it sincere for His noble Face.