Surah At-Taariq Carabi iyo Soomaali

Ku akhri Surah-da At-Taariq tarjumaad Soomaali ah oo dhamaystiran, xarfaha iyo cod-akhriska. Tarjumaad aayad kasta. (17 Aayad — مكية). At-Taariq Maqal, At-Taariq Tarjumaad, At-Taariq mp3, At-Taariq pdf.

Akhri oo Maqal Surah-da At-Taariq

🎧 Aayad
M Mishary Rashid Alafasy
M Mahmoud Khalil Al-Husary
A Abdurrahman As-Sudais
M Mohamed Siddiq Al-Minshawi
A Abdul Basit Abdul Samad
A Ali Al-Hudhaify
A Ahmed ibn Ali al-Ajamy
A Abu Bakr Ash-Shaatree
M Muhammad Ayyoub
A Abdullah Basfar
A Abdullah Al-Juhani
M Maher Al Muaiqly
x1
وَالسَّمَاءِ وَالطَّارِقِ ۝١
📖 Tarjumaad Aayad 1
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura.
وَمَا أَدْرَاكَ مَا الطَّارِقُ ۝٢
📖 Tarjumaad Aayad 2
Ma taqaan Xiddigga guura.
النَّجْمُ الثَّاقِبُ ۝٣
📖 Tarjumaad Aayad 3
Waa Xiddig ifa.
إِن كُلُّ نَفْسٍ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌ ۝٤
📖 Tarjumaad Aayad 4
Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag).
فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ مِمَّ خُلِقَ ۝٥
📖 Tarjumaad Aayad 5
Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray.
خُلِقَ مِن مَّاءٍ دَافِقٍ ۝٦
📖 Tarjumaad Aayad 6
Waxaa laga abuuray Biyo booda.
يَخْرُجُ مِن بَيْنِ الصُّلْبِ وَالتَّرَائِبِ ۝٧
📖 Tarjumaad Aayad 7
Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood.
إِنَّهُ عَلَىٰ رَجْعِهِ لَقَادِرٌ ۝٨
📖 Tarjumaad Aayad 8
Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada).
يَوْمَ تُبْلَى السَّرَائِرُ ۝٩
📖 Tarjumaad Aayad 9
Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon.
فَمَا لَهُ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ ۝١٠
📖 Tarjumaad Aayad 10
Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna.
وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الرَّجْعِ ۝١١
📖 Tarjumaad Aayad 11
Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh.
وَالْأَرْضِ ذَاتِ الصَّدْعِ ۝١٢
📖 Tarjumaad Aayad 12
Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo).
إِنَّهُ لَقَوْلٌ فَصْلٌ ۝١٣
📖 Tarjumaad Aayad 13
Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta).
وَمَا هُوَ بِالْهَزْلِ ۝١٤
📖 Tarjumaad Aayad 14
Ciyaarra ma aha (ee waa dhab).
إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًا ۝١٥
📖 Tarjumaad Aayad 15
Gaaladu waxbay dhakri.
وَأَكِيدُ كَيْدًا ۝١٦
📖 Tarjumaad Aayad 16
Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin).
فَمَهِّلِ الْكَافِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًا ۝١٧
📖 Tarjumaad Aayad 17
Ee u sug Gaalada wax yar.
← 85 At-Taariq (86/114) 87 →
Akhri Surah At-Taariq Af-Soomaali – Turjumaad iyo Codsi

86الطارق At-Tariq 📚 17 Aayad مكية

Aayad kasta – Surah At-Taariq — 17 Aayad




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers