وَسِيقَ الَّذِينَ كَفَرُوا إِلَىٰ جَهَنَّمَ زُمَرًا ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءُوهَا فُتِحَتْ أَبْوَابُهَا وَقَالَ لَهُمْ خَزَنَتُهَا أَلَمْ يَأْتِكُمْ رُسُلٌ مِّنكُمْ يَتْلُونَ عَلَيْكُمْ آيَاتِ رَبِّكُمْ وَيُنذِرُونَكُمْ لِقَاءَ يَوْمِكُمْ هَٰذَا ۚ قَالُوا بَلَىٰ وَلَٰكِنْ حَقَّتْ كَلِمَةُ الْعَذَابِ عَلَى الْكَافِرِينَ ٧١
🔤 Transliteration
Wa seeqal lazeena kafaroon ilaa jahannama zumaran battaaa izaa jaaa`oohaa futihat abwaabuhaa wa qaala lahum khazanatuhaaa alam yaatikum Rusulum minkum yatloona `alaikum Aayaati Rabbikum wa yunziroonakum liqaaa`a Yawmikum haazaa; qaaloo balaa wa laakin haqqat kalimatul `azaabi `alal kaafireen
📖 Tarjumaad (Af-Soomaali)
📖 Af-Soomaali
Waxaana loo kaxeyn gaaloobay xagga jahannamo iyagoo kooco ah markay yimaadaan Naartana waxaa la foraaa Albaabadeeda waxayna udhahaan adeegaheedu miyeyna idiin imaanin Rasuullo idinka mid ah oo idinku akhriya aayaadka Eebihiin idiinkana diga lakulanka Maalintiinan. waxayna dhihi way nooyimaadeen waxaase ku rumoobay Gaalada kalimadii Cadaabka (ee Eebe).
🌐 Additional reference in Kiswahili
Macnaha Erayada Qaarkood: Zumaran : Koox koox, iyagoo kala sarraysan.Khazanatuha : Malaa'igta ilaasha ah ee Naarta.Tafsiirka: Waxaa la kaxayn doonaa kuwa Gaaloobay Ilaahay iyo Rusushiisa, iyagoo loo wado Jahannamo iyagoo koox koox ah oo dullaysan oo la isu soo ururinayo. Markay yimaadaan Naarta, waxaa la furayaa albaabbadeeda toddobada ah, taasoo muujinaysa cabsi weyn oo ku saabsan Naarta. Markaas waxaa iyaga la kulmi doona malaa'igta ilaasha ah ee Naarta, iyagoo ku canaani doona oo ku dhihi doona: "Miyeyna idiin imaanin Rusul idinka mid ah oo idinku akhrin jiray aayaadka Rabbigiin, oo idinka digi jiray la kulanka Maalintan (Qiyaamaha) iyo waxa ku dhici doona caddibaadda?" Markaas waxay qiri doonaan Gaaladu iyagoo qirasho ku qiranaya dembigooda: "Haa, waxay noo yimaadeen Rusushii Rabbigoo naga digay, laakiin waxaa nagu waajibay kelmadda caddibaadda, maxaa yeelay waxaan ahayn Gaalo aan rumeynaynin xaqa."
Faa'iidooyinka laga qaadan karo: Caddaaladda Ilaahay oo dhamaystiran, ma caddibaaddo cid iyada oo aan loo dirin digniin iyo Rusul. Qirashada dembiga maalinta Qiyaamaha waxay ku tusinaysaa in Ilaahay yahay Caddaaladda ugu weyn, isagoo aan caddaalad darro ku falin. Digitaanka iyo waanada Rususha waxay tahay naxariis Ilaahay oo u fidiyay dadka, si ayna u helin cudurdaar. Ka faa'iidaysiga nolosha adduunka iyo u dhaqanka farriinta Rususha ayaa ah sababta kaliya ee lagu badbaado caddibaadda, waana naxariis iyo raxmad uu Ilaahay u yeeshay dadka.
وَسِيقَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِلَىٰ جَهَنَّمَ زُمَرًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوهَا فُتِحَتۡ أَبۡوَٰبُهَا وَقَالَ لَهُمۡ خَزَنَتُهَآ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ رُسُلٌ مِّنكُمۡ يَتۡلُونَ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِ رَبِّكُمۡ وَيُنذِرُونَكُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَاۚ قَالُواْ بَلَىٰ وَلَٰكِنۡ حَقَّتۡ كَلِمَةُ ٱلۡعَذَابِ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ ٧١
Waxaana loo kaxeyn gaaloobay xagga jahannamo iyagoo kooco ah markay yimaadaan Naartana waxaa la foraaa Albaabadeeda waxayna udhahaan adeegaheedu miyeyna idiin imaanin Rasuullo idinka mid ah oo idinku akhriya aayaadka Eebihiin idiinkana diga lakulanka Maalintiinan. waxayna dhihi way nooyimaadeen waxaase ku rumoobay Gaalada kalimadii Cadaabka (ee Eebe).
🖼️ Save Image
🎬 Save Video
📜 Aayad 69-73 — Suurah Az-Zumar
69 وَأَشْرَقَتِ الْأَرْضُ بِنُورِ رَبِّهَا وَوُضِعَ الْكِتَابُ وَجِيءَ بِالنَّبِيِّينَ وَالشُّهَدَاءِ وَقُضِيَ بَيْنَهُم بِالْحَقِّ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ
Wuxuuna la ifi dhulku nuurka Eebihiis waxaana la soo dajin (dhawayn) Kitaabkii (Camalka) waxaana la keeni Nabiyadii iyo maraggii (Malaa'igta), waxaana lagu kala xukumi dhexdooda xaq lamana dulmiyo.
70 وَوُفِّيَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَّا عَمِلَتْ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَا يَفْعَلُونَ
Waxaana loo oofin (dhameyn) nafkastaa waxay camalfashay, Eebana waa ogyahay waxay camalfalayaan.
71 وَسِيقَ الَّذِينَ كَفَرُوا إِلَىٰ جَهَنَّمَ زُمَرًا ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءُوهَا فُتِحَتْ أَبْوَابُهَا وَقَالَ لَهُمْ خَزَنَتُهَا أَلَمْ يَأْتِكُمْ رُسُلٌ مِّنكُمْ يَتْلُونَ عَلَيْكُمْ آيَاتِ رَبِّكُمْ وَيُنذِرُونَكُمْ لِقَاءَ يَوْمِكُمْ هَٰذَا ۚ قَالُوا بَلَىٰ وَلَٰكِنْ حَقَّتْ كَلِمَةُ الْعَذَابِ عَلَى الْكَافِرِينَ
Waxaana loo kaxeyn gaaloobay xagga jahannamo iyagoo kooco ah markay yimaadaan Naartana waxaa la foraaa Albaabadeeda waxayna udhahaan adeegaheedu miyeyna idiin imaanin Rasuullo idinka mid ah oo idinku akhriya aayaadka Eebihiin idiinkana diga lakulanka Maalintiinan. waxayna dhihi way nooyimaadeen waxaase ku rumoobay Gaalada kalimadii Cadaabka (ee Eebe).
72 قِيلَ ادْخُلُوا أَبْوَابَ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا ۖ فَبِئْسَ مَثْوَى الْمُتَكَبِّرِينَ
Waxaana lagu dhihi gala albaabada Jahannamo idinkoo ku waari dhexdeeda iyadaana u xun meelay ku hoydaan kuwa is kibriya.
73 وَسِيقَ الَّذِينَ اتَّقَوْا رَبَّهُمْ إِلَى الْجَنَّةِ زُمَرًا ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءُوهَا وَفُتِحَتْ أَبْوَابُهَا وَقَالَ لَهُمْ خَزَنَتُهَا سَلَامٌ عَلَيْكُمْ طِبْتُمْ فَادْخُلُوهَا خَالِدِينَ
Waxaana loo wadi kuwii ka dhawrsaday Eebahood xagga jannada iyagoo kooxa ah markay yimaadaan jannadana iyadoo la furay albaabadeeda (marhore) waxay ku dhihi adeegaheedu nabadgalyo korkiina ha ahaato, waad wanaagsanaateen (liibaanteen) ee gala janada idinkoo ku waari.
Tarjumaad — Az-Zumar 71 Suurah Az-Zumar Aayad 71 - Akhri, Maqal, Tarjumaad, Soomaali : Waxaana loo kaxeyn gaaloobay xagga jahannamo iyagoo kooco ah markay…
Suurah Aayad 71/75 — Suurah Az-Zumar الزمر (Makki). Akhri Maqal Tarjumaad (Soomaali). Maqal: Suurah Az-Zumar Maqal, Suurah Az-Zumar Tarjumaad, Suurah Az-Zumar mp3, Suurah Az-Zumar pdf. Aayad 69–73. Af-Soomaali: Kiswahili.