Yuunus · 26/109
Tarjumaad Xarfaha — Yuunus
۞ لِّلَّذِينَ أَحْسَنُوا الْحُسْنَىٰ وَزِيَادَةٌ ۖ وَلَا يَرْهَقُ وُجُوهَهُمْ قَتَرٌ وَلَا ذِلَّةٌ ۚ أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ ۝٢٦
Lillazeena ahsanul husnaa wa ziyaadahtunw wa laa yarhaqu wujoohahum qatarunw wa laa zillah; ulaaa`ika ashaabul jannnati hum feehaa khaalidoon
📖 Af-Soomaali
Kuwa Wanaagga Falayna waxaa u Sugnaaday Wanaag (Janno) (Aakhiro) iyo Siyaado (Aragga Eebe) mana haleelo Wajigooda Boodh iyo Dulli midna kuwaasuna waa Asaxaabta (Ehelka) Jannada wayna ku waari Dhexdeeda.
🎧 Maqal

📜 Aayad 24-28 — Yuunus

24إِنَّمَا مَثَلُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا كَمَاءٍ أَنزَلْنَاهُ مِنَ السَّمَاءِ فَاخْتَلَطَ بِهِ نَبَاتُ الْأَرْضِ مِمَّا يَأْكُلُ النَّاسُ وَالْأَنْعَامُ حَتَّىٰ إِذَا أَخَذَتِ الْأَرْضُ زُخْرُفَهَا وَازَّيَّنَتْ وَظَنَّ أَهْلُهَا أَنَّهُمْ قَادِرُونَ عَلَيْهَا أَتَاهَا أَمْرُنَا لَيْلًا أَوْ نَهَارًا فَجَعَلْنَاهَا حَصِيدًا كَأَن لَّمْ تَغْنَ بِالْأَمْسِ ۚ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
Nolosha Adduunyo waa uun Biyo oo kale oon ka soo Dejinay Samada oo ku Dheehnay waxa ka so baxa Dhulka oo ah wuxuu Dadku Cuno iyo Xooluhu markuu dhulku Qurux ka Buuxsamo oy isqurxhiso oo Dadkeedu u Maleeyo inay Karaan (Goosashadeeda) yaa waxaa u Yimaadda Amarkannagii Habeen ama Dharaar waxaana ka yeelaa wax la Shafay sidii iyadoon Shalay Jirin, Saasaana ugu Caddaynay Aayaadka Qoomkii Firkiri.
25وَاللَّهُ يَدْعُو إِلَىٰ دَارِ السَّلَامِ وَيَهْدِي مَن يَشَاءُ إِلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ
Eebe wuxuu ugu yeedhi (Dadka) Guriga Nabadgalyada (Jannada) wuxuuna ku Hanuuniyaa Cidduu Doono Jid Toosan (Xaqa).
26۞ لِّلَّذِينَ أَحْسَنُوا الْحُسْنَىٰ وَزِيَادَةٌ ۖ وَلَا يَرْهَقُ وُجُوهَهُمْ قَتَرٌ وَلَا ذِلَّةٌ ۚ أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Kuwa Wanaagga Falayna waxaa u Sugnaaday Wanaag (Janno) (Aakhiro) iyo Siyaado (Aragga Eebe) mana haleelo Wajigooda Boodh iyo Dulli midna kuwaasuna waa Asaxaabta (Ehelka) Jannada wayna ku waari Dhexdeeda.
27وَالَّذِينَ كَسَبُوا السَّيِّئَاتِ جَزَاءُ سَيِّئَةٍ بِمِثْلِهَا وَتَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۖ مَّا لَهُم مِّنَ اللَّهِ مِنْ عَاصِمٍ ۖ كَأَنَّمَا أُغْشِيَتْ وُجُوهُهُمْ قِطَعًا مِّنَ اللَّيْلِ مُظْلِمًا ۚ أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
kuwa kasbaday xumaan Abaalkood waa Xumaan la mida, waxaana haleeli dulli wax Eebe ka ilaalinna ma jiro, waxaadna moodaa in lagu daboolay wajigooda goosin habeen oo mugdi ah, kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda,
28وَيَوْمَ نَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشْرَكُوا مَكَانَكُمْ أَنتُمْ وَشُرَكَاؤُكُمْ ۚ فَزَيَّلْنَا بَيْنَهُمْ ۖ وَقَالَ شُرَكَاؤُهُم مَّا كُنتُمْ إِيَّانَا تَعْبُدُونَ
ka warran maalintaan kulminaynno Dhammaan markaas aan ku dhahaynno kuwii la wadaajiyey (Gaaloobay) Meejiinna ahaada idinka iyo kuwaad la wadaajiseen markaasaan kala gaynay dhexdooda, waxayna dheheen kuway la wadaajiyeen (Eebe) an naga nama aydaan Caabudayn.
YuunusLiiska Quraan
109Aayad
MakkiRevelation
26Aayad

Tarjumaad — Yuunus 26

Suurah Yuunus Aayad 26 - Akhri, Maqal, Tarjumaad, Soomaali : Kuwa Wanaagga Falayna waxaa u Sugnaaday Wanaag (Janno) (Aakhiro) iyo…

Suurah Aayad 26/109 — Yuunus يونس (Makki). Akhri Maqal Tarjumaad (Soomaali). Maqal: Yuunus Maqal, Yuunus Tarjumaad, Yuunus mp3, Yuunus pdf. Aayad 24–28. Af-Soomaali: Kiswahili.




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers