Al-Qasas · 28/88
Tarjumaad Xarfaha — Suurah Al-Qasas
قَالَ ذَٰلِكَ بَيْنِي وَبَيْنَكَ ۖ أَيَّمَا الْأَجَلَيْنِ قَضَيْتُ فَلَا عُدْوَانَ عَلَيَّ ۖ وَاللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٌ ۝٢٨
Qaala zaalika bainee wa bainaka aiyamal ajalaini qadaitu falaa `udwaana `alaiya wallaahu `alaa ma naqoolu Wakeel
📖 Af-Soomaali
Wuxuuna Yidhi Kaasi waa Ballan Dhexdeenna ah, Labada muddo Kaan Dhammaystana dhib iguma aha, Eebana waxaan Sheegayno waa u Wakiil.

🎧 Maqal


📜 Aayad 26-30 — Suurah Al-Qasas

26قَالَتْ إِحْدَاهُمَا يَا أَبَتِ اسْتَأْجِرْهُ ۖ إِنَّ خَيْرَ مَنِ اسْتَأْجَرْتَ الْقَوِيُّ الْأَمِينُ
Waxayna Tidhi Middood Aabbow noo Ijaar, Illeen waxaa u Khayr roon Cid la Ijaarto Mid Xoog Badan oo Aamin ah.
27قَالَ إِنِّي أُرِيدُ أَنْ أُنكِحَكَ إِحْدَى ابْنَتَيَّ هَاتَيْنِ عَلَىٰ أَن تَأْجُرَنِي ثَمَانِيَ حِجَجٍ ۖ فَإِنْ أَتْمَمْتَ عَشْرًا فَمِنْ عِندِكَ ۖ وَمَا أُرِيدُ أَنْ أَشُقَّ عَلَيْكَ ۚ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّهُ مِنَ الصَّالِحِينَ
Wuxuuna ku Yidhi Anugu waxaan dooni inaan kuu Guuriyo Labadaydan Gabdhood Middood inaan ku Ijaarto Siddeed Sano Haddaad Dhamayso Tobankana waa Adiga Agtaada, mana Doonayo inaan ku Dhibo waxaana igu Ogaan Hadduu Eebe Doono kuwa Wanaagsan.
28قَالَ ذَٰلِكَ بَيْنِي وَبَيْنَكَ ۖ أَيَّمَا الْأَجَلَيْنِ قَضَيْتُ فَلَا عُدْوَانَ عَلَيَّ ۖ وَاللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٌ
Wuxuuna Yidhi Kaasi waa Ballan Dhexdeenna ah, Labada muddo Kaan Dhammaystana dhib iguma aha, Eebana waxaan Sheegayno waa u Wakiil.
29۞ فَلَمَّا قَضَىٰ مُوسَى الْأَجَلَ وَسَارَ بِأَهْلِهِ آنَسَ مِن جَانِبِ الطُّورِ نَارًا قَالَ لِأَهْلِهِ امْكُثُوا إِنِّي آنَسْتُ نَارًا لَّعَلِّي آتِيكُم مِّنْهَا بِخَبَرٍ أَوْ جَذْوَةٍ مِّنَ النَّارِ لَعَلَّكُمْ تَصْطَلُونَ
Markuu Dhammeeyey (Nabi) Muuse Muddadii oo la Tegay Ehelkiisii wuxuu ku Arkay Dhinaca Dhuur Dab, wuxuuna ku Yidhi Ehelkiisii Suga waxaan Arkaa Dabe waxaan u Dhawahay inaan Idiinka Keeno War ama Dhuxul Daba inaad Kulaashaan.
30فَلَمَّا أَتَاهَا نُودِيَ مِن شَاطِئِ الْوَادِ الْأَيْمَنِ فِي الْبُقْعَةِ الْمُبَارَكَةِ مِنَ الشَّجَرَةِ أَن يَا مُوسَىٰ إِنِّي أَنَا اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ
Markuu Yimidna waxaaa Looga Dhawaaqay Togga Dhiniciisa Midig, Meejii Barakaysnayd oo Geedka (Isagoo la Yidhi) Anugu Ilaahay Baan ahay Eebaha Caalamka ah.
Al-QasasLiiska Quraan
88Aayad
MakkiRevelation
28Aayad

Tarjumaad — Al-Qasas 28

Suurah Al-Qasas Aayad 28 - Akhri, Maqal, Tarjumaad, Soomaali : Wuxuuna Yidhi Kaasi waa Ballan Dhexdeenna ah, Labada muddo Kaan…

Suurah Aayad 28/88 — Suurah Al-Qasas القصص (Makki). Akhri Maqal Tarjumaad (Soomaali). Maqal: Suurah Al-Qasas Maqal, Suurah Al-Qasas Tarjumaad, Suurah Al-Qasas mp3, Suurah Al-Qasas pdf. Aayad 26–30. Af-Soomaali: Kiswahili.




Quraanka Kariimka


Monday, September 7, 2026

Don't forget us in your sincere prayers