Az-Zumar · 5/75
Tarjumaad Xarfaha — Az-Zumar
خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ ۖ يُكَوِّرُ اللَّيْلَ عَلَى النَّهَارِ وَيُكَوِّرُ النَّهَارَ عَلَى اللَّيْلِ ۖ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۗ أَلَا هُوَ الْعَزِيزُ الْغَفَّارُ ۝٥
Khalaqas samaawaati wal arda bilhaqq; yukawwirul laila `alan nahaari wa yukawwirun nahaara `alaal laili wa sakhkharash shamsa walqamara kulluny yajree li ajalim musammaa; alaa Huwal `Azeezul Ghaffaar
📖 Af-Soomaali
Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab ah, wuxuuna Habeenka ku daboolaa Maalinta, Maalintana ku daboolaa Habeenka, wuxuuuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa, mid walbana wuxuu ku socdaa muddo magacaaban, Eebana waa adkaade dambi dhaafbadan.
🎧 Maqal

📜 Aayad 3-7 — Az-Zumar

3أَلَا لِلَّهِ الدِّينُ الْخَالِصُ ۚ وَالَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِهِ أَوْلِيَاءَ مَا نَعْبُدُهُمْ إِلَّا لِيُقَرِّبُونَا إِلَى اللَّهِ زُلْفَىٰ إِنَّ اللَّهَ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ فِي مَا هُمْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي مَنْ هُوَ كَاذِبٌ كَفَّارٌ
Diinta khaaliska ahna waxay u sugnaatey Eebe, kuwa ka yeesha Eebe ka sokow awliyo waxay odhan uma caabudno inay Eebe noo dhaweeyaan mooyee dhawaansho, Eebaana kala xukumi dadka dhexdooda waxay isku diidaan, Eebana ma hanuuniyo Been badane gaalnimobadan.
4لَّوْ أَرَادَ اللَّهُ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا لَّاصْطَفَىٰ مِمَّا يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ ۚ سُبْحَانَهُ ۖ هُوَ اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ
Hadduu doono Eebe inuu yeesho ilmo wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuro wuxuu doono, waa naxahanyahey, waana Eebaha kalida ah ee awoodda badan.
5خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ ۖ يُكَوِّرُ اللَّيْلَ عَلَى النَّهَارِ وَيُكَوِّرُ النَّهَارَ عَلَى اللَّيْلِ ۖ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۗ أَلَا هُوَ الْعَزِيزُ الْغَفَّارُ
Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab ah, wuxuuna Habeenka ku daboolaa Maalinta, Maalintana ku daboolaa Habeenka, wuxuuuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa, mid walbana wuxuu ku socdaa muddo magacaaban, Eebana waa adkaade dambi dhaafbadan.
6خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ ثُمَّ جَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ الْأَنْعَامِ ثَمَانِيَةَ أَزْوَاجٍ ۚ يَخْلُقُكُمْ فِي بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ خَلْقًا مِّن بَعْدِ خَلْقٍ فِي ظُلُمَاتٍ ثَلَاثٍ ۚ ذَٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ لَهُ الْمُلْكُ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ فَأَنَّىٰ تُصْرَفُونَ
Wuxuu idinka abuurey naf kaliya (Nabi aadam) markaasuu Eebe ka yeeley (ka abuurey) xagga aadam haweeneydiisi (Xaawo) wuxuuna Eebe idiin soo dajiyey xoolaha siddeed nooc oo ka mid ah, wuxuuna idinku abuurey uurka hooyadin abuurid ka dambeyso abuurid saddex mugdi dhexdooda saasna waxaa yeela Eebaha idin barbaariya, isagaana iska leh xukunka, Eebe mooyee ilaah kale majiro, ee xaggee laydiinka iili (Xaqa).
7إِن تَكْفُرُوا فَإِنَّ اللَّهَ غَنِيٌّ عَنكُمْ ۖ وَلَا يَرْضَىٰ لِعِبَادِهِ الْكُفْرَ ۖ وَإِن تَشْكُرُوا يَرْضَهُ لَكُمْ ۗ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۗ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُم مَّرْجِعُكُمْ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ۚ إِنَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ
Haddaad gaalowdaan dadow Eebe waa idinka kaaftoomey, ugamana raalli aha addoomadiisa gaalnimo, hadaad ku mahdisaanna wuu idin ka raalli noqon, nafna naf kale danbigeeda ma qaaddo, waxaana leydiin celin Eebihiin xaggiisa, wuxuuna idiin ka warrami waxaad camal fasheen, wuuna ogyahey wax laabta (qalbiga) ku sugan.
Az-ZumarLiiska Quraan
75Aayad
MakkiRevelation
5Aayad

Tarjumaad — Az-Zumar 5

Suurah Az-Zumar Aayad 5 - Akhri, Maqal, Tarjumaad, Soomaali : Isagaa abuuray samooyinka iyo dhulkaba si dhab ah, wuxuuna Habeenka…

Suurah Aayad 5/75 — Az-Zumar الزمر (Makki). Akhri Maqal Tarjumaad (Soomaali). Maqal: Az-Zumar Maqal, Az-Zumar Tarjumaad, Az-Zumar mp3, Az-Zumar pdf. Aayad 3–7. Af-Soomaali: Kiswahili.




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers