Huud · 61/123
Tarjumaad Xarfaha — Suurah Huud
۞ وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا ۚ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ هُوَ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَاسْتَعْمَرَكُمْ فِيهَا فَاسْتَغْفِرُوهُ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ ۚ إِنَّ رَبِّي قَرِيبٌ مُّجِيبٌ ۝٦١
Wa ilaa Samooda akhaahum Saalihaa; qaala yaa qawmi` budul laaha maa lakum min ilaahim ghairuhoo Huwa ansha akum minal ardi wasta` marakum feehaa fastaghfiroohu summa toobooo ilaih; inna Rabbee Qareebum Mujeeb
📖 Af-Soomaali
Thamuudna waxaan u dirray Walaalkeed (Nabi) Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe Ilaa Eebe ka soo hadhay ma idiin sugnee, isagaana idiinka ahaysiiyey Dhulka idinkuna Camiray dhexdeeda ee dambidhaaf warsada una toobad keena illeen Eebahay waa dhawyahay oo ajiibaa (Baryade)

🎧 Maqal
📜

Tarjumaad — Tafsir

Macnaha ereyada:

  • أَنشَأَكُم: idinka abuuray, asalkiinnana ka keenay.
  • وَاسْتَعْمَرَكُمْ فِيهَا: idinka yeelay kuwa dhulka ku noolaada oo cimri dheer idin siiyay, isla markaana idin faray inaad dhulka dhistaan oo aad cimraansataan.

Tafsiirka:

Waxaannu u diray (Nabiga) Saalax (CS) qoomkii Thamuud, oo ahaa walaalkood dhiig iyo nasab ahaan. Wuxuuna ku yidhi: Qoomkaygow! Caabuda Eebe kaligiis, wax ilaah ah oo xaq ah oo caabudid mudan idiinma jiro isaga ka sokow. Eebe waa kan idinka abuuray dhulka, asalkiinnana ka keenay (Nabiga Aadam awgeed), wuxuuna idinka yeelay kuwa dhulka ku noolaada oo cimri dheer idin siiyay, isaguna idin faray inaad dhulka dhistaan oo aad cimraansataan. Haddaba Eebe weydiista dambidhaafka, una noqda toobad san oo caabudaaddiisa ku sugnaata. Eebahay waa u dhow mid kastoo caabudaadda u kaliyeeya oo toobad u noqda, wuxuuna aqbalaa baryada ka yimaadda addoomadiisa.



📜 Aayad 59-63 — Suurah Huud

59وَتِلْكَ عَادٌ ۖ جَحَدُوا بِآيَاتِ رَبِّهِمْ وَعَصَوْا رُسُلَهُ وَاتَّبَعُوا أَمْرَ كُلِّ جَبَّارٍ عَنِيدٍ
taasi waa Caad waxay diideen Aayaadkii Eebahood waxayna caasiyeen rasuuladiisii waxayna raaceen amarka islaweyne madax adag dhammaantiis.
60وَأُتْبِعُوا فِي هَٰذِهِ الدُّنْيَا لَعْنَةً وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ أَلَا إِنَّ عَادًا كَفَرُوا رَبَّهُمْ ۗ أَلَا بُعْدًا لِّعَادٍ قَوْمِ هُودٍ
waxaana la raaciyey Adduunyadan Lacnad iyo Maalinta Qiyaamaba, Caad way ka gaaloobeen Eebahood Fogaanshaa (Halaagbaana) u sugnaaday Caadkii Qoomkii Huud ahaa.
61۞ وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا ۚ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ هُوَ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَاسْتَعْمَرَكُمْ فِيهَا فَاسْتَغْفِرُوهُ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ ۚ إِنَّ رَبِّي قَرِيبٌ مُّجِيبٌ
Thamuudna waxaan u dirray Walaalkeed (Nabi) Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe Ilaa Eebe ka soo hadhay ma idiin sugnee, isagaana idiinka ahaysiiyey Dhulka idinkuna Camiray dhexdeeda ee dambidhaaf warsada una toobad keena illeen Eebahay waa dhawyahay oo ajiibaa (Baryade)
62قَالُوا يَا صَالِحُ قَدْ كُنتَ فِينَا مَرْجُوًّا قَبْلَ هَٰذَا ۖ أَتَنْهَانَا أَن نَّعْبُدَ مَا يَعْبُدُ آبَاؤُنَا وَإِنَّنَا لَفِي شَكٍّ مِّمَّا تَدْعُونَا إِلَيْهِ مُرِيبٍ
waxay dheheen Saalaxow waxaad ku ahayd dhexdannada mid la rajeeyo arrintan ka hor ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay caabudayeen Aabayaalkanno annagu shaki daran baan kaga suganahay waxaad noogu yeedhi.
63قَالَ يَا قَوْمِ أَرَأَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّي وَآتَانِي مِنْهُ رَحْمَةً فَمَن يَنصُرُنِي مِنَ اللَّهِ إِنْ عَصَيْتُهُ ۖ فَمَا تَزِيدُونَنِي غَيْرَ تَخْسِيرٍ
wuxuu yidhi bal ka warrama haddaan xujo Eebahay ku sunahay oo uu i siiyey Naxariis xaggiisa ah yaa iiga gargaari Eebe haddaan Caasiyo iimana kordhinaysaan waxaan khasaarc ahayn.
HuudLiiska Quraan
123Aayad
MakkiRevelation
61Aayad

Tarjumaad — Huud 61

Suurah Huud Aayad 61 - Akhri, Maqal, Tarjumaad, Soomaali : Thamuudna waxaan u dirray Walaalkeed (Nabi) Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow…

Suurah Aayad 61/123 — Suurah Huud هود (Makki). Akhri Maqal Tarjumaad (Soomaali). Maqal: Suurah Huud Maqal, Suurah Huud Tarjumaad, Suurah Huud mp3, Suurah Huud pdf. Aayad 59–63. Af-Soomaali: Kiswahili.




Quraanka Kariimka


Monday, September 7, 2026

Don't forget us in your sincere prayers