An-Nisaa · 86/176
Tarjumaad Xarfaha — An-Nisaa
وَإِذَا حُيِّيتُم بِتَحِيَّةٍ فَحَيُّوا بِأَحْسَنَ مِنْهَا أَوْ رُدُّوهَا ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ حَسِيبًا ۝٨٦
Wa izaa huyyeetum bitahiy yatin fahaiyoo bi ahsana minhaaa aw ruddoohaa; innal laaha kaana `alaa kulli shai`in Haseeba
📖 Af-Soomaali
Haddii laydin Salaamo Salaan ku Salaama mid ka Fiican ama ku celiya (mid la mid ah) Eebana waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).

🎧 Maqal


📜 Aayad 84-88 — An-Nisaa

84فَقَاتِلْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ لَا تُكَلَّفُ إِلَّا نَفْسَكَ ۚ وَحَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ ۖ عَسَى اللَّهُ أَن يَكُفَّ بَأْسَ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ وَاللَّهُ أَشَدُّ بَأْسًا وَأَشَدُّ تَنكِيلًا
Ee ku Dagaallan Jidka Eebe lama mashaqayn Naftaada mooyee, kuna boorri Mu'miniinta (Dagaalka) wuxuu u dhawyahay Eebe inuu idinka reebo dhibka kuwa Gaaloobay, Eebaana daran dhib daranna Xanuujin.
85مَّن يَشْفَعْ شَفَاعَةً حَسَنَةً يَكُن لَّهُ نَصِيبٌ مِّنْهَا ۖ وَمَن يَشْفَعْ شَفَاعَةً سَيِّئَةً يَكُن لَّهُ كِفْلٌ مِّنْهَا ۗ وَكَانَ اللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ مُّقِيتًا
Ruuxii Shafeeca shafeeco Wanaagsan waxaa u ahaada Qayb ka mid ah, Ruuxiise Shaafeeca Shafeeco Xun waxaa u ahaan Dambi ka mid ah, Eebaana wax kasta Maaliya.
86وَإِذَا حُيِّيتُم بِتَحِيَّةٍ فَحَيُّوا بِأَحْسَنَ مِنْهَا أَوْ رُدُّوهَا ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ حَسِيبًا
Haddii laydin Salaamo Salaan ku Salaama mid ka Fiican ama ku celiya (mid la mid ah) Eebana waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye).
87اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ لَيَجْمَعَنَّكُمْ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ لَا رَيْبَ فِيهِ ۗ وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ اللَّهِ حَدِيثًا
Eebe ILaah (kale) ma jiro isaga mooyee wuuna idin soo kulmin Maalinta Qiyaame. shaki ma leh, yaa ka run badan Eebe Hadal (ma jiro).
88۞ فَمَا لَكُمْ فِي الْمُنَافِقِينَ فِئَتَيْنِ وَاللَّهُ أَرْكَسَهُم بِمَا كَسَبُوا ۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَهْدُوا مَنْ أَضَلَّ اللَّهُ ۖ وَمَن يُضْلِلِ اللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُ سَبِيلًا
Maxaad leedihiin (Mu'miniinta) ood Munaafiqiinta laba Kooxood ugu Noqoteen (in la laayo iyo in kale) Eebe wuu Halaagay (oo celiyey) waxay kasbadeen dartiis, ma waxaad doonaysaan inaad Hanuunisaan Cidduu dhumiyey Eebe, Ruuxuu dhumiyo Eebana uma heshid Waddo (Hanuun).
An-NisaaLiiska Quraan
176Aayad
MadaniRevelation
86Aayad

Tarjumaad — An-Nisaa 86

Suurah An-Nisaa Aayad 86 - Akhri, Maqal, Tarjumaad, Soomaali : Haddii laydin Salaamo Salaan ku Salaama mid ka Fiican ama…

Suurah Aayad 86/176 — An-Nisaa النساء (Madani). Akhri Maqal Tarjumaad (Soomaali). Maqal: An-Nisaa Maqal, An-Nisaa Tarjumaad, An-Nisaa mp3, An-Nisaa pdf. Aayad 84–88. Af-Soomaali: Kiswahili.




Quraanka Kariimka


Tuesday, August 18, 2026

Don't forget us in your sincere prayers