Surah Al-Anbiyaa Carabi iyo Soomaali
Ku akhri Surah-da Al-Anbiyaa tarjumaad Soomaali ah oo dhamaystiran, xarfaha iyo cod-akhriska. Tarjumaad aayad kasta. (112 Aayad — مكية). Al-Anbiyaa Maqal, Al-Anbiyaa Tarjumaad, Al-Anbiyaa mp3, Al-Anbiyaa pdf.Akhri oo Maqal Surah-da Al-Anbiyaa
🎧 Aayad
M
Mishary Rashid Alafasy
✓
Mishary Rashid Alafasy
✓
M
Mahmoud Khalil Al-Husary
✓
Mahmoud Khalil Al-Husary
✓
A
Abdurrahman As-Sudais
✓
Abdurrahman As-Sudais
✓
M
Mohamed Siddiq Al-Minshawi
✓
Mohamed Siddiq Al-Minshawi
✓
A
Abdul Basit Abdul Samad
✓
Abdul Basit Abdul Samad
✓
A
Ali Al-Hudhaify
✓
Ali Al-Hudhaify
✓
A
Ahmed ibn Ali al-Ajamy
✓
Ahmed ibn Ali al-Ajamy
✓
A
Abu Bakr Ash-Shaatree
✓
Abu Bakr Ash-Shaatree
✓
M
Muhammad Ayyoub
✓
Muhammad Ayyoub
✓
A
Abdullah Basfar
✓
Abdullah Basfar
✓
A
Abdullah Al-Juhani
✓
Abdullah Al-Juhani
✓
M
Maher Al Muaiqly
✓
Maher Al Muaiqly
✓
—
x1
اقْتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمْ وَهُمْ فِي غَفْلَةٍ مُّعْرِضُونَ ١
📖 Tarjumaad
Aayad 1
Xisaabtoodii iyagoo Halmaansho ku Sugan oo Jeedsan.
مَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّن رَّبِّهِم مُّحْدَثٍ إِلَّا اسْتَمَعُوهُ وَهُمْ يَلْعَبُونَ ٢
📖 Tarjumaad
Aayad 2
Quraankastee oo uga Yimaadda Xagga Eebahood kana Soo darriya way maqlaan iyagoo Ciyaari.
لَاهِيَةً قُلُوبُهُمْ ۗ وَأَسَرُّوا النَّجْوَى الَّذِينَ ظَلَمُوا هَلْ هَٰذَا إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ ۖ أَفَتَأْتُونَ السِّحْرَ وَأَنتُمْ تُبْصِرُونَ ٣
📖 Tarjumaad
Aayad 3
Oy shuqloontahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigeen Faqii kuwii Dulmi Falay (iyagoo dhihi) kanu ma waxaan Dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo Arka.
قَالَ رَبِّي يَعْلَمُ الْقَوْلَ فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۖ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ ٤
📖 Tarjumaad
Aayad 4
Wuxuu yidhi (Nabigii) Eebahaybaa Og Hadalka Samada ku Sugan iyo Dhulka, waana Maqle Oge ah.
بَلْ قَالُوا أَضْغَاثُ أَحْلَامٍ بَلِ افْتَرَاهُ بَلْ هُوَ شَاعِرٌ فَلْيَأْتِنَا بِآيَةٍ كَمَا أُرْسِلَ الْأَوَّلُونَ ٥
📖 Tarjumaad
Aayad 5
Waxay Dheheen (Gaaladii) Saas ma aha ee waa Qarowyo saa ma aha ee wuu Been Abuurtay, Saas ma aha ee waa gabayaa ee ha noo keeno Aayad Sidii Lagu diray Kuwii hore.
مَا آمَنَتْ قَبْلَهُم مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا ۖ أَفَهُمْ يُؤْمِنُونَ ٦
📖 Tarjumaad
Aayad 6
Mayna Rumeynin Hortood Magaalo aan Halaag (La doonay) ee Ma iyagaa Rumeyn.
وَمَا أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِي إِلَيْهِمْ ۖ فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ ٧
📖 Tarjumaad
Aayad 7
Maanaan Dirin Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh Haddaydaan wax Ogayn.
وَمَا جَعَلْنَاهُمْ جَسَدًا لَّا يَأْكُلُونَ الطَّعَامَ وَمَا كَانُوا خَالِدِينَ ٨
📖 Tarjumaad
Aayad 8
Kamaanaan Dhigin (Nabiyada) Jasad (Muqaal) oon Cunayn Cunno mana ahayn kuwo Waara.
ثُمَّ صَدَقْنَاهُمُ الْوَعْدَ فَأَنجَيْنَاهُمْ وَمَن نَّشَاءُ وَأَهْلَكْنَا الْمُسْرِفِينَ ٩
📖 Tarjumaad
Aayad 9
Markaasna waxaan u Rumeynay Yaboohii waana Korrinay iyagii iyo Ciddaan Doono, waxaana Halaagnay Xadgudbayaasha.
لَقَدْ أَنزَلْنَا إِلَيْكُمْ كِتَابًا فِيهِ ذِكْرُكُمْ ۖ أَفَلَا تَعْقِلُونَ ١٠
📖 Tarjumaad
Aayad 10
Waxaan idiin soo Dejinay Kitaab Sharaftiinnu ku Sugantahayee Miyeydaan Kasayn.
وَكَمْ قَصَمْنَا مِن قَرْيَةٍ كَانَتْ ظَالِمَةً وَأَنشَأْنَا بَعْدَهَا قَوْمًا آخَرِينَ ١١
📖 Tarjumaad
Aayad 11
Badanaana intaan Halaagnay Magaalo Dulmi Badan (Dadkeedu) oon Ahaysiinay Gadaasheed Qoom kale.
فَلَمَّا أَحَسُّوا بَأْسَنَا إِذَا هُم مِّنْهَا يَرْكُضُونَ ١٢
📖 Tarjumaad
Aayad 12
Markay kaseen Cadaabkanaga yey ahaayeen kuwo ka Carari.
لَا تَرْكُضُوا وَارْجِعُوا إِلَىٰ مَا أُتْرِفْتُمْ فِيهِ وَمَسَاكِنِكُمْ لَعَلَّكُمْ تُسْأَلُونَ ١٣
📖 Tarjumaad
Aayad 13
Ha Cararina kuna noqda wixii laydiinku Raaxeeyey iyo Guryihiinna waxay u Dhawdahay in wax laydin warsadee.
قَالُوا يَا وَيْلَنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ ١٤
📖 Tarjumaad
Aayad 14
Waxay Dhaheen Halaaganagee waxaan nahay Daalimiin.
فَمَا زَالَت تِّلْكَ دَعْوَاهُمْ حَتَّىٰ جَعَلْنَاهُمْ حَصِيدًا خَامِدِينَ ١٥
📖 Tarjumaad
Aayad 15
Saasna kuma tagin Qayladoodu intaan ka yeello, wax la shafay oo Bakhtiya.
وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاءَ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَاعِبِينَ ١٦
📖 Tarjumaad
Aayad 16
Maanaan Abuurin Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya Anagoo Ciyaari.
لَوْ أَرَدْنَا أَن نَّتَّخِذَ لَهْوًا لَّاتَّخَذْنَاهُ مِن لَّدُنَّا إِن كُنَّا فَاعِلِينَ ١٧
📖 Tarjumaad
Aayad 17
Haddaan Doono Madadaallo inaan yeelano waxaan ka yeelan lahayn Agtanada haddaan Falayno.
بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ وَلَكُمُ الْوَيْلُ مِمَّا تَصِفُونَ ١٨
📖 Tarjumaad
Aayad 18
Xaqaanse ku Gannaa Baadilka oo Tirtira markaasuu tagaa, waxaa idiinku Sugnaaday Halaag waxaad Sheegaysaan.
وَلَهُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَمَنْ عِندَهُ لَا يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِهِ وَلَا يَسْتَحْسِرُونَ ١٩
📖 Tarjumaad
Aayad 19
Ilaahay waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, kuwa Eebe Agtiisa ahna Iskama Kibriyaan Cibaadadiisa kamana daalaan.
يُسَبِّحُونَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ لَا يَفْتُرُونَ ٢٠
📖 Tarjumaad
Aayad 20
wayna Nasahaan Habeen iyo Dharaarba kamana Noogaan.
أَمِ اتَّخَذُوا آلِهَةً مِّنَ الْأَرْضِ هُمْ يُنشِرُونَ ٢١
📖 Tarjumaad
Aayad 21
Mise waxay yeesheen (Gaaladii) Ilaahyaal Dhulka Xaggiisa oo wax soo Nooleeya.
لَوْ كَانَ فِيهِمَا آلِهَةٌ إِلَّا اللَّهُ لَفَسَدَتَا ۚ فَسُبْحَانَ اللَّهِ رَبِّ الْعَرْشِ عَمَّا يَصِفُونَ ٢٢
📖 Tarjumaad
Aayad 22
Hadday yihiin dhexdooda (Samada iyo Dhulka) Ilaahyo way Fasaadi Lahaayeen, waxaa ka Nasahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami.
لَا يُسْأَلُ عَمَّا يَفْعَلُ وَهُمْ يُسْأَلُونَ ٢٣
📖 Tarjumaad
Aayad 23
Lama warsanayo wuxuu Falo Iyagase waa la warsan.
أَمِ اتَّخَذُوا مِن دُونِهِ آلِهَةً ۖ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ ۖ هَٰذَا ذِكْرُ مَن مَّعِيَ وَذِكْرُ مَن قَبْلِي ۗ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ الْحَقَّ ۖ فَهُم مُّعْرِضُونَ ٢٤
📖 Tarjumaad
Aayad 24
Mise waxay Yeesheen Eebe ka sokow Ilaahyo, waxaad Dhahdaa keena Xujadiinna, kana waa (quraanka) sheegi waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey, Badidoodse ma oga Xaqa wayna ka Jeedsan.
وَمَا أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رَّسُولٍ إِلَّا نُوحِي إِلَيْهِ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاعْبُدُونِ ٢٥
📖 Tarjumaad
Aayad 25
Rasuulkaan hortaa dirayba waxaan u waxyoonay ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee I caabuda.
وَقَالُوا اتَّخَذَ الرَّحْمَٰنُ وَلَدًا ۗ سُبْحَانَهُ ۚ بَلْ عِبَادٌ مُّكْرَمُونَ ٢٦
📖 Tarjumaad
Aayad 26
waxay dhaheen Gaaladii wuxuu Yeeshay (Eebaha) Raxmaana Ilmo, waa ka Nasahanyahay, waase Addoomo (Malaa'igtu) la Sharrifo.
لَا يَسْبِقُونَهُ بِالْقَوْلِ وَهُم بِأَمْرِهِ يَعْمَلُونَ ٢٧
📖 Tarjumaad
Aayad 27
kagama hor maraan Hadal iyaguna Amarkiisay ku Camalfalaan.
يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يَشْفَعُونَ إِلَّا لِمَنِ ارْتَضَىٰ وَهُم مِّنْ خَشْيَتِهِ مُشْفِقُونَ ٢٨
📖 Tarjumaad
Aayad 28
wuxuu ogyahay waxa hortooda iyo Gadaashooda ah umana shafeecaan Ciduu ka raaliyahay mooyee iyaguna Cabsidiisay la Baqaan.
۞ وَمَن يَقُلْ مِنْهُمْ إِنِّي إِلَٰهٌ مِّن دُونِهِ فَذَٰلِكَ نَجْزِيهِ جَهَنَّمَ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِي الظَّالِمِينَ ٢٩
📖 Tarjumaad
Aayad 29
ruuxii dhaha oo ka mid ah Malaa'igta anaa Ilaah ah Eebe ka sokow, kaas waxaannu ku Abaal marin Jahannamo, saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta.
أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا ۖ وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ ۖ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ ٣٠
📖 Tarjumaad
Aayad 30
miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn.
وَجَعَلْنَا فِي الْأَرْضِ رَوَاسِيَ أَن تَمِيدَ بِهِمْ وَجَعَلْنَا فِيهَا فِجَاجًا سُبُلًا لَّعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ ٣١
📖 Tarjumaad
Aayad 31
waxaana yeellay Dhulka Sugayaal (buuro) inayna la iilanin Dadka, waxaana yeellay Dhexdeeda Karimo Waddooyin ah, inay ku Toosaan.
وَجَعَلْنَا السَّمَاءَ سَقْفًا مَّحْفُوظًا ۖ وَهُمْ عَنْ آيَاتِهَا مُعْرِضُونَ ٣٢
📖 Tarjumaad
Aayad 32
waxaana ka yeelay Samada Saanqaaf ilaashan iyaguna Calaamooyinkeeda way ka jeedsan.
وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ ٣٣
📖 Tarjumaad
Aayad 33
Eebe waa kan Abuuray Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo dayaxa mid kastana Falag buu Dhexdabbaalan.
وَمَا جَعَلْنَا لِبَشَرٍ مِّن قَبْلِكَ الْخُلْدَ ۖ أَفَإِن مِّتَّ فَهُمُ الْخَالِدُونَ ٣٤
📖 Tarjumaad
Aayad 34
maanan yeelin Dadka ka horreeyey kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari (Gaaladu).
كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَنَبْلُوكُم بِالشَّرِّ وَالْخَيْرِ فِتْنَةً ۖ وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ ٣٥
📖 Tarjumaad
Aayad 35
Naf kastaa waxay dhadhamin Geeri waxaana idinku Imtixaami Shar iyo Khayr Ibtilo darteed, xagganagaana laydiin soo Celin.
وَإِذَا رَآكَ الَّذِينَ كَفَرُوا إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا الَّذِي يَذْكُرُ آلِهَتَكُمْ وَهُم بِذِكْرِ الرَّحْمَٰنِ هُمْ كَافِرُونَ ٣٦
📖 Tarjumaad
Aayad 36
markay ku arkaan kuwii Gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi Ilaahyihiinna iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebaha Raxmaana.
خُلِقَ الْإِنسَانُ مِنْ عَجَلٍ ۚ سَأُرِيكُمْ آيَاتِي فَلَا تَسْتَعْجِلُونِ ٣٧
📖 Tarjumaad
Aayad 37
waxaa laga abuuray Dadka Deg deg, waxaana idin tusin Aayaadkayga ee ha degdegina.
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ٣٨
📖 Tarjumaad
Aayad 38
waxay dhihi waa goorma Yaboohii (Cadaabku) haddaad run sheegaysaan.
لَوْ يَعْلَمُ الَّذِينَ كَفَرُوا حِينَ لَا يَكُفُّونَ عَن وُجُوهِهِمُ النَّارَ وَلَا عَن ظُهُورِهِمْ وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ ٣٩
📖 Tarjumaad
Aayad 39
hadday ogyihiin kuwii Gaaloobay markaan laga reebeyn Wajiyadooda Naarta iyo Dhabarkooda oon loona gargaarayn (ma degdegsadeen).
بَلْ تَأْتِيهِم بَغْتَةً فَتَبْهَتُهُمْ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ رَدَّهَا وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ ٤٠
📖 Tarjumaad
Aayad 40
waxayse ugu imaan (naartu) si kada ah wayna wareerin mana karayaan Celinteeda lamana Sugo.
وَلَقَدِ اسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍ مِّن قَبْلِكَ فَحَاقَ بِالَّذِينَ سَخِرُوا مِنْهُم مَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ ٤١
📖 Tarjumaad
Aayad 41
waxaa lagu jees jeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana ku dhacay kuwii ku jees jeesay oo Gaalada ah waxay ku jees jeesi jireen.
قُلْ مَن يَكْلَؤُكُم بِاللَّيْلِ وَالنَّهَارِ مِنَ الرَّحْمَٰنِ ۗ بَلْ هُمْ عَن ذِكْرِ رَبِّهِم مُّعْرِضُونَ ٤٢
📖 Tarjumaad
Aayad 42
waxaad dhahdaa yaa idinka Ilaalin Habeen iyo Dharaarba Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan Xusidda Eebahood.
أَمْ لَهُمْ آلِهَةٌ تَمْنَعُهُم مِّن دُونِنَا ۚ لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَ أَنفُسِهِمْ وَلَا هُم مِّنَّا يُصْحَبُونَ ٤٣
📖 Tarjumaad
Aayad 43
ma waxaa u sugnaaday Ilaahyo naga celin ma karaan (waxay caabudi) Gargaarka Naftooda nalagamana Magan galiyo.
بَلْ مَتَّعْنَا هَٰؤُلَاءِ وَآبَاءَهُمْ حَتَّىٰ طَالَ عَلَيْهِمُ الْعُمُرُ ۗ أَفَلَا يَرَوْنَ أَنَّا نَأْتِي الْأَرْضَ نَنقُصُهَا مِنْ أَطْرَافِهَا ۚ أَفَهُمُ الْغَالِبُونَ ٤٤
📖 Tarjumaad
Aayad 44
Saas ma aha cc waxaan u Raaxaynay kuwaas iyo Aabayaalkood Intuu ku Dheeraado Cimrigu, Miyeyna Arkayn Inaannu ku imanayno Dhulka Anagoo Nusqaamin (Guusha Islaamka) Miyagaa Adag.
قُلْ إِنَّمَا أُنذِرُكُم بِالْوَحْيِ ۚ وَلَا يَسْمَعُ الصُّمُّ الدُّعَاءَ إِذَا مَا يُنذَرُونَ ٤٥
📖 Tarjumaad
Aayad 45
Waxaad Dhahdaa waxaa uun aan idiinku Digi Waxyiga Mana Maqlo Dhagoole Dhawaaqa marka loo Digi.
وَلَئِن مَّسَّتْهُمْ نَفْحَةٌ مِّنْ عَذَابِ رَبِّكَ لَيَقُولُنَّ يَا وَيْلَنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ ٤٦
📖 Tarjumaad
Aayad 46
Hadduu Taabto wax Yar oo Cadaabka Eebahaa ah waxay Odhan Halaagganagee Anagaa Daalimiin ah,.
وَنَضَعُ الْمَوَازِينَ الْقِسْطَ لِيَوْمِ الْقِيَامَةِ فَلَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْئًا ۖ وَإِن كَانَ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ أَتَيْنَا بِهَا ۗ وَكَفَىٰ بِنَا حَاسِبِينَ ٤٧
📖 Tarjumaad
Aayad 47
Waxaannu u Dejinaynaa Miisaanka Cadilka ah Maalinta Qiyaame lagamana Dulmiyo Naf waxba, haba ahaado wax la eg Xabbad Khardal ah (wax yar) ee waan siinaynaa, annagaana ugu Filan Xisaabiye.
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَىٰ وَهَارُونَ الْفُرْقَانَ وَضِيَاءً وَذِكْرًا لِّلْمُتَّقِينَ ٤٨
📖 Tarjumaad
Aayad 48
Dhab ahaan yaan u Siinay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun kala Bixiye (Tawreed) iyo Nuur iyo Waanada kuwo Dhawrsada.
الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِالْغَيْبِ وَهُم مِّنَ السَّاعَةِ مُشْفِقُونَ ٤٩
📖 Tarjumaad
Aayad 49
Oo ah kuwa ka Cabsada Eebahood iyagoo kali ah iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka Cabsan.
وَهَٰذَا ذِكْرٌ مُّبَارَكٌ أَنزَلْنَاهُ ۚ أَفَأَنتُمْ لَهُ مُنكِرُونَ ٥٠
📖 Tarjumaad
Aayad 50
Kan (Quraankuna) waa Quraan la Barakeeyey oon Soo Dejinay ee midinkaa Diidi Isaga.
۞ وَلَقَدْ آتَيْنَا إِبْرَاهِيمَ رُشْدَهُ مِن قَبْلُ وَكُنَّا بِهِ عَالِمِينَ ٥١
📖 Tarjumaad
Aayad 51
Dhab ahaan waxaan u Siinay Nabi Ibraahim Hanuukiisa mar hore anagaana Ogayn.
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَا هَٰذِهِ التَّمَاثِيلُ الَّتِي أَنتُمْ لَهَا عَاكِفُونَ ٥٢
📖 Tarjumaad
Aayad 52
Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii waa maxay Sawiradan aad ku kor Negidihiin (Caabudaysaan).
قَالُوا وَجَدْنَا آبَاءَنَا لَهَا عَابِدِينَ ٥٣
📖 Tarjumaad
Aayad 53
waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Caabudi.
قَالَ لَقَدْ كُنتُمْ أَنتُمْ وَآبَاؤُكُمْ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ ٥٤
📖 Tarjumaad
Aayad 54
Wuxuu yidhi (Nabi) Ibraahim waxaad ku Sugantihiin idinka iyo Aabayaalkiin Baadi Cad.
قَالُوا أَجِئْتَنَا بِالْحَقِّ أَمْ أَنتَ مِنَ اللَّاعِبِينَ ٥٥
📖 Tarjumaad
Aayad 55
Waxay Dheheen ma waxaad Noola Timid Xaq Mise Adigu waxaad ka mid Tahay kuwa Ciyaari.
قَالَ بَل رَّبُّكُمْ رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ الَّذِي فَطَرَهُنَّ وَأَنَا عَلَىٰ ذَٰلِكُم مِّنَ الشَّاهِدِينَ ٥٦
📖 Tarjumaad
Aayad 56
Wuxuuna Yidhi Eebihiin waa Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ee ah Kan Abuuray Aniguna Arrintaas yaan ahay kuwa ka Marag Kici.
وَتَاللَّهِ لَأَكِيدَنَّ أَصْنَامَكُم بَعْدَ أَن تُوَلُّوا مُدْبِرِينَ ٥٧
📖 Tarjumaad
Aayad 57
Eebaan ku Dhaartayc waan Dhagri Sanamyadiinna ka Dib markaad Jeedsataan Idinkoo Tagi.
فَجَعَلَهُمْ جُذَاذًا إِلَّا كَبِيرًا لَّهُمْ لَعَلَّهُمْ إِلَيْهِ يَرْجِعُونَ ٥٨
📖 Tarjumaad
Aayad 58
Wuxuuna ka Yeelay Burbur, Koodii waynaa mooye inay Xaggiisa u Noqdaan (Inuu Jajabiyey Isagu).
قَالُوا مَن فَعَلَ هَٰذَا بِآلِهَتِنَا إِنَّهُ لَمِنَ الظَّالِمِينَ ٥٩
📖 Tarjumaad
Aayad 59
waxay Dheheen yaa ku falay Sidan Ilaahyadanadii Kaasi waa Daalime.
قَالُوا سَمِعْنَا فَتًى يَذْكُرُهُمْ يُقَالُ لَهُ إِبْرَاهِيمُ ٦٠
📖 Tarjumaad
Aayad 60
Waxayna Dheheen Waxaan Maqallay Wiil Sheegi lana Dhaho Ibraahim.
قَالُوا فَأْتُوا بِهِ عَلَىٰ أَعْيُنِ النَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَشْهَدُونَ ٦١
📖 Tarjumaad
Aayad 61
Waxay Dheheen keena dadka Indhihiisa inay ku Marag Furaan.
قَالُوا أَأَنتَ فَعَلْتَ هَٰذَا بِآلِهَتِنَا يَا إِبْرَاهِيمُ ٦٢
📖 Tarjumaad
Aayad 62
waxay Dheheen Gaaladii Maadaa ku Falay Sidan Ilaahyadannada Ibraahimow.
قَالَ بَلْ فَعَلَهُ كَبِيرُهُمْ هَٰذَا فَاسْأَلُوهُمْ إِن كَانُوا يَنطِقُونَ ٦٣
📖 Tarjumaad
Aayad 63
Wuxuu Yidhi waxaa Fatay Kooda Weyn ee Kana, Waydiiya Iladday Hadli.
فَرَجَعُوا إِلَىٰ أَنفُسِهِمْ فَقَالُوا إِنَّكُمْ أَنتُمُ الظَّالِمُونَ ٦٤
📖 Tarjumaad
Aayad 64
Markaasay u Noqdeen Naftooda waxayna Isu Dhaheen war Idinkaa Daalimiina.
ثُمَّ نُكِسُوا عَلَىٰ رُءُوسِهِمْ لَقَدْ عَلِمْتَ مَا هَٰؤُلَاءِ يَنطِقُونَ ٦٥
📖 Tarjumaad
Aayad 65
Markaasaa Loogadiyey Madaxooda (waxayna Dhaheen) Dhabbaad u Ogtahay inayna kuwani Hadlayn.
قَالَ أَفَتَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكُمْ شَيْئًا وَلَا يَضُرُّكُمْ ٦٦
📖 Tarjumaad
Aayad 66
Wuxuu Yidhi ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan Idin Anfacayn waxba idinna Dhibayn.
أُفٍّ لَّكُمْ وَلِمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ ۖ أَفَلَا تَعْقِلُونَ ٦٧
📖 Tarjumaad
Aayad 67
Ufbaa laydin Yidhi Idinka iyo Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow Miyeydaan wax kaseyn.
قَالُوا حَرِّقُوهُ وَانصُرُوا آلِهَتَكُمْ إِن كُنتُمْ فَاعِلِينَ ٦٨
📖 Tarjumaad
Aayad 68
Waxay Dhaheen Guba una Gargaara Ilaahyadiinna Haddaad wax Falaysaan.
قُلْنَا يَا نَارُ كُونِي بَرْدًا وَسَلَامًا عَلَىٰ إِبْرَاهِيمَ ٦٩
📖 Tarjumaad
Aayad 69
Waxan Nidhi Naaray u Noqo Qabow iyo Nabadgalyi Ibraahim.
وَأَرَادُوا بِهِ كَيْدًا فَجَعَلْنَاهُمُ الْأَخْسَرِينَ ٧٠
📖 Tarjumaad
Aayad 70
Waxay la Dooneen Dhagar waxaana ka yeellay kuwo Khasaaray.
وَنَجَّيْنَاهُ وَلُوطًا إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا لِلْعَالَمِينَ ٧١
📖 Tarjumaad
Aayad 71
Waannu u Korinay (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Luudh Dhulkii aan u Barakaynay Caalamka (Shaam).
وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ نَافِلَةً ۖ وَكُلًّا جَعَلْنَا صَالِحِينَ ٧٢
📖 Tarjumaad
Aayad 72
Waxaan Siinay Isxaaq iyo Yacquub oo Siyaada ah, waxaana ka Yeellay Dhammaan kuwo Suubban.
وَجَعَلْنَاهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا وَأَوْحَيْنَا إِلَيْهِمْ فِعْلَ الْخَيْرَاتِ وَإِقَامَ الصَّلَاةِ وَإِيتَاءَ الزَّكَاةِ ۖ وَكَانُوا لَنَا عَابِدِينَ ٧٣
📖 Tarjumaad
Aayad 73
Waxaana ka yeellay Imaamyo ku Hanuuniya Amarkanaga, waxaana u waxyoonay Falidda Khayrka, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Sakada waxayna ahaayeen kuwo Na caabuda.
وَلُوطًا آتَيْنَاهُ حُكْمًا وَعِلْمًا وَنَجَّيْنَاهُ مِنَ الْقَرْيَةِ الَّتِي كَانَت تَّعْمَلُ الْخَبَائِثَ ۗ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمَ سَوْءٍ فَاسِقِينَ ٧٤
📖 Tarjumaad
Aayad 74
(Nabi) Luudhna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana ka Korinay Magaalaadii ahayd mid Fasha Xumo waxay ahaayeen Qoom Xun oo Faasiqiina.
وَأَدْخَلْنَاهُ فِي رَحْمَتِنَا ۖ إِنَّهُ مِنَ الصَّالِحِينَ ٧٥
📖 Tarjumaad
Aayad 75
Waxaana Galinay Naxariistanada, wuxuuna ka mid ahaa kuwa Suuban.
وَنُوحًا إِذْ نَادَىٰ مِن قَبْلُ فَاسْتَجَبْنَا لَهُ فَنَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ مِنَ الْكَرْبِ الْعَظِيمِ ٧٦
📖 Tarjumaad
Aayad 76
(Nabi) Nuuxna waa Korinay, markuu Dhawaaqay mar hore, waana ajiibnay, waana ka Korinay isaga iyo Ehelkiisaba Murugadii Waynayd.
وَنَصَرْنَاهُ مِنَ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمَ سَوْءٍ فَأَغْرَقْنَاهُمْ أَجْمَعِينَ ٧٧
📖 Tarjumaad
Aayad 77
Waana uga Gargaaray Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, waxayna ahaayeen Qoom Xun waana Maanshaynay Dhammaantood.
وَدَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ إِذْ يَحْكُمَانِ فِي الْحَرْثِ إِذْ نَفَشَتْ فِيهِ غَنَمُ الْقَوْمِ وَكُنَّا لِحُكْمِهِمْ شَاهِدِينَ ٧٨
📖 Tarjumaad
Aayad 78
Xusuuso (Nabi) Daawuud iyo (Nabi) Suleymaan markay Xukumayeen Beerta markuu Daaqay Adhi Qoom (Dad) waxaana ahayn kuwa Xukunkooda u Maraga (Arka).
فَفَهَّمْنَاهَا سُلَيْمَانَ ۚ وَكُلًّا آتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا ۚ وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُودَ الْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَالطَّيْرَ ۚ وَكُنَّا فَاعِلِينَ ٧٩
📖 Tarjumaad
Aayad 79
Waxaana Fahansiinay Sulaymaan, Dhammaanna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana u Sakhirray Daawuud Buuraha iyagoo la Tasbiixsan iyo Shimbiraha, waana Fallaa «karraa».
وَعَلَّمْنَاهُ صَنْعَةَ لَبُوسٍ لَّكُمْ لِتُحْصِنَكُم مِّن بَأْسِكُمْ ۖ فَهَلْ أَنتُمْ شَاكِرُونَ ٨٠
📖 Tarjumaad
Aayad 80
Waxaana Barray Daawuud Samaynta Duruucda inay Idinka Dhawrto Dagaalkiina, ee ma Tihiin kuwo Mahadin.
وَلِسُلَيْمَانَ الرِّيحَ عَاصِفَةً تَجْرِي بِأَمْرِهِ إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا ۚ وَكُنَّا بِكُلِّ شَيْءٍ عَالِمِينَ ٨١
📖 Tarjumaad
Aayad 81
Suleymaanna waxaan u Sakhirray Dabaysha iyadoo Daran oo ku Socota Amarkiisa Xaggii Dhulkii ahaa kaan Barakaynay Dhexdiisa, waxaana Nahay Kuwo wax walba Og.
وَمِنَ الشَّيَاطِينِ مَن يَغُوصُونَ لَهُ وَيَعْمَلُونَ عَمَلًا دُونَ ذَٰلِكَ ۖ وَكُنَّا لَهُمْ حَافِظِينَ ٨٢
📖 Tarjumaad
Aayad 82
Shaydaamadana, waxaan uga Sakhirray Kuwo u Dhumban (Badda), una Fala Camal aan kaas ahayn Anagaana Ilaalinna.
۞ وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ ٨٣
📖 Tarjumaad
Aayad 83
(Xusuuso) Ayuubna markuu u Dhawaaqay Eebihiis (Isagoo Dhihi) Aniga waxaa I taabtay Dhib Adiguna waxaad Tahay Naxariis Badane.
فَاسْتَجَبْنَا لَهُ فَكَشَفْنَا مَا بِهِ مِن ضُرٍّ ۖ وَآتَيْنَاهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَذِكْرَىٰ لِلْعَابِدِينَ ٨٤
📖 Tarjumaad
Aayad 84
Waana Ajiibnay Waxaana ka Faydnay waxa Haya oo Dhiba, waxaana Siinay Ehelkiisii iyo wax la mid ah Naxariis Xagganaga ah Darteed iyo Waanada Caalamka.
وَإِسْمَاعِيلَ وَإِدْرِيسَ وَذَا الْكِفْلِ ۖ كُلٌّ مِّنَ الصَّابِرِينَ ٨٥
📖 Tarjumaad
Aayad 85
Xusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli Dhammaan waxay ka mid ahaayeen kuwa Samra.
وَأَدْخَلْنَاهُمْ فِي رَحْمَتِنَا ۖ إِنَّهُم مِّنَ الصَّالِحِينَ ٨٦
📖 Tarjumaad
Aayad 86
Waxaana Dhex galinay Naxariis tanada waxayna ka Mid ahaayeen kuwa Suuban.
وَذَا النُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَاضِبًا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقْدِرَ عَلَيْهِ فَنَادَىٰ فِي الظُّلُمَاتِ أَن لَّا إِلَٰهَ إِلَّا أَنتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ الظَّالِمِينَ ٨٧
📖 Tarjumaad
Aayad 87
Nabi Yuunus (Xusuuso) markuu Tagay isagoo Cadhaysan una Maleeyey Inaanaan Cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku Dhawaaqay Mugdiyada Dhexdooda Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah.
فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَنَجَّيْنَاهُ مِنَ الْغَمِّ ۚ وَكَذَٰلِكَ نُنجِي الْمُؤْمِنِينَ ٨٨
📖 Tarjumaad
Aayad 88
Waana Ajiibnay kana Korinay Murugtii, Saasaana u Korinaa Mu'miniinta.
وَزَكَرِيَّا إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ رَبِّ لَا تَذَرْنِي فَرْدًا وَأَنتَ خَيْرُ الْوَارِثِينَ ٨٩
📖 Tarjumaad
Aayad 89
Zakariyana (Xusuuso) markuu u Dhawaaqay Eebihiis isagoo Ich Eebow hayga Tagin Anoo Kali ah Adaa u Khayrroon Cid wax dhaxashee «u hadhee».
فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَوَهَبْنَا لَهُ يَحْيَىٰ وَأَصْلَحْنَا لَهُ زَوْجَهُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا يُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَيَدْعُونَنَا رَغَبًا وَرَهَبًا ۖ وَكَانُوا لَنَا خَاشِعِينَ ٩٠
📖 Tarjumaad
Aayad 90
Waana Ajiibnay waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen kuwa Noo Khusuuca.
وَالَّتِي أَحْصَنَتْ فَرْجَهَا فَنَفَخْنَا فِيهَا مِن رُّوحِنَا وَجَعَلْنَاهَا وَابْنَهَا آيَةً لِّلْعَالَمِينَ ٩١
📖 Tarjumaad
Aayad 91
Tiina (Xusuuso) Dhawrtay Xubinteedaa waa (maryama) oon ku Afuufnay Dhexdeeda Ruuxdanadii kana yeellay iyada iyo Wiilkeeda Calaamadda Caalamka.
إِنَّ هَٰذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاعْبُدُونِ ٩٢
📖 Tarjumaad
Aayad 92
Tani waa Diintiinii waana Diin kaliya Aniguna waxaan Ahay Eebihiin ee I caabuda.
وَتَقَطَّعُوا أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ ۖ كُلٌّ إِلَيْنَا رَاجِعُونَ ٩٣
📖 Tarjumaad
Aayad 93
waxayse isku Khilaafeen Amarkoodii Dhexdooda Dhammaanna Xagaygaa loo soo Celin.
فَمَن يَعْمَلْ مِنَ الصَّالِحَاتِ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَا كُفْرَانَ لِسَعْيِهِ وَإِنَّا لَهُ كَاتِبُونَ ٩٤
📖 Tarjumaad
Aayad 94
Ruuxii Fala Wanaag isagoo Mu'min ah lagama Qariyo Camalkiisa Anguna waan u Qoraynaa.
وَحَرَامٌ عَلَىٰ قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا أَنَّهُمْ لَا يَرْجِعُونَ ٩٥
📖 Tarjumaad
Aayad 95
Waxaa ka Reebban Magaalo aan Halaagnay inay soo Noqoto «Soo bixin ka hor».
حَتَّىٰ إِذَا فُتِحَتْ يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٍ يَنسِلُونَ ٩٦
📖 Tarjumaad
Aayad 96
Inta laga Furi soo (Dayn) Yaajuuj iyo Maajuuj iyaguna Jaho Sarreysa Dhammanteed yey ka soo Deg degi.
وَاقْتَرَبَ الْوَعْدُ الْحَقُّ فَإِذَا هِيَ شَاخِصَةٌ أَبْصَارُ الَّذِينَ كَفَرُوا يَا وَيْلَنَا قَدْ كُنَّا فِي غَفْلَةٍ مِّنْ هَٰذَا بَلْ كُنَّا ظَالِمِينَ ٩٧
📖 Tarjumaad
Aayad 97
Waxaa Dhawaaday Yaboohii Xaqa Ahaa waxaana soo bixi inaytaagnaan Indhaha kuwa Gaaloobay (Iyagoo Dhihi) Halaaganagee waxaan kaga Sugnayn Halmaansho kan Waxaanse ahayn Daalimiin.
إِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنتُمْ لَهَا وَارِدُونَ ٩٨
📖 Tarjumaad
Aayad 98
Idinka iyo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka Soo hadhay waxay Noqon Shidaalka Jahannamo idinkuna waad ku Arooraysaan.
لَوْ كَانَ هَٰؤُلَاءِ آلِهَةً مَّا وَرَدُوهَا ۖ وَكُلٌّ فِيهَا خَالِدُونَ ٩٩
📖 Tarjumaad
Aayad 99
Hadday Yihiin kuwaasu Ilaahyo kuma Arooreen, Dhamaanna way ku Waari.
لَهُمْ فِيهَا زَفِيرٌ وَهُمْ فِيهَا لَا يَسْمَعُونَ ١٠٠
📖 Tarjumaad
Aayad 100
waxay ku Yeelan Dhexdeeda Qaylo, waxna Dhexdeeda kuma Maqlaan.
إِنَّ الَّذِينَ سَبَقَتْ لَهُم مِّنَّا الْحُسْنَىٰ أُولَٰئِكَ عَنْهَا مُبْعَدُونَ ١٠١
📖 Tarjumaad
Aayad 101
kuway u Hor martay Xagganaga Wanaag kuwaasu Xaggeeda waa laga Fogayn.
لَا يَسْمَعُونَ حَسِيسَهَا ۖ وَهُمْ فِي مَا اشْتَهَتْ أَنفُسُهُمْ خَالِدُونَ ١٠٢
📖 Tarjumaad
Aayad 102
mana Maqlaan Shanqadteeda iyaguna waxay Doonto Naftoodu yey ku Waari.
لَا يَحْزُنُهُمُ الْفَزَعُ الْأَكْبَرُ وَتَتَلَقَّاهُمُ الْمَلَائِكَةُ هَٰذَا يَوْمُكُمُ الَّذِي كُنتُمْ تُوعَدُونَ ١٠٣
📖 Tarjumaad
Aayad 103
mana Walbahaariyo Argagaxii Waynaa, waxayna kula kulmi Malaa'igtu kani waa Maalintiinnii ah Tii laydiin Yaboohay.
يَوْمَ نَطْوِي السَّمَاءَ كَطَيِّ السِّجِلِّ لِلْكُتُبِ ۚ كَمَا بَدَأْنَا أَوَّلَ خَلْقٍ نُّعِيدُهُ ۚ وَعْدًا عَلَيْنَا ۚ إِنَّا كُنَّا فَاعِلِينَ ١٠٤
📖 Tarjumaad
Aayad 104
waana Maalintaan u Duubayno Samada Sida loo Duubo Warqadaha Kitaabka, Sidaan ku Billownay Abuuriddii hore Yaana ku soo Celinaynaa, waa Yabooh korkanaga ah, annagaana Falna saas.
وَلَقَدْ كَتَبْنَا فِي الزَّبُورِ مِن بَعْدِ الذِّكْرِ أَنَّ الْأَرْضَ يَرِثُهَا عِبَادِيَ الصَّالِحُونَ ١٠٥
📖 Tarjumaad
Aayad 105
Dhab ahaan waxaan ugu Qorray Zabuur Sheegid ka Dib (Luuxul Maxfuudka) Dhulka waxaa Dhaxli Addoomadayda Suuban.
إِنَّ فِي هَٰذَا لَبَلَاغًا لِّقَوْمٍ عَابِدِينَ ١٠٦
📖 Tarjumaad
Aayad 106
kan Gaadhsiin baa ugu Sugan Ciddi Caabudi (Eebe).
وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ ١٠٧
📖 Tarjumaad
Aayad 107
kumana aanaan Dirin Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee.
قُلْ إِنَّمَا يُوحَىٰ إِلَيَّ أَنَّمَا إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ ۖ فَهَلْ أَنتُم مُّسْلِمُونَ ١٠٨
📖 Tarjumaad
Aayad 108
Waxaad Dhahdaa waxaa uun lay Waxyooday Aniga in Ilaaheennu Ilaah kaliya yahay ee Idinku Muslimiin ma Tihiin (Ma Hogaansameysaan).
فَإِن تَوَلَّوْا فَقُلْ آذَنتُكُمْ عَلَىٰ سَوَاءٍ ۖ وَإِنْ أَدْرِي أَقَرِيبٌ أَم بَعِيدٌ مَّا تُوعَدُونَ ١٠٩
📖 Tarjumaad
Aayad 109
Haddayse Jeedsadaan waxaad Dhahdaa waxaan idin Ogaysiiyey si Siman (Cad) Colnimo Mana Ogi inay Dhawdahay ama Fogtahay waxa laydiin Yaboohay.
إِنَّهُ يَعْلَمُ الْجَهْرَ مِنَ الْقَوْلِ وَيَعْلَمُ مَا تَكْتُمُونَ ١١٠
📖 Tarjumaad
Aayad 110
Eebe wuxuu Ogyahay waxa lala Qaylyo oo Hadala wuxuuna Ogyahay waxaad Qarinaysaan.
وَإِنْ أَدْرِي لَعَلَّهُ فِتْنَةٌ لَّكُمْ وَمَتَاعٌ إِلَىٰ حِينٍ ١١١
📖 Tarjumaad
Aayad 111
Mana Ogi waxay u Dhawdahay inay Fidmo idiintahay iyo Raaxo Tan iyo Muddo.
قَالَ رَبِّ احْكُم بِالْحَقِّ ۗ وَرَبُّنَا الرَّحْمَٰنُ الْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ ١١٢
📖 Tarjumaad
Aayad 112
Wuxuu yidhi (Nabigu) Eebow ku kala Xukun (Dhexdanada) Xaq, Eebahanana waa Raxmaan ee Looga Kaalmo waydiisto waxaad sheegaysaan.
Akhri Surah Al-Anbiyaa Af-Soomaali – Turjumaad iyo Codsi
Quraanka Kariimka
Tuesday, August 18, 2026
Don't forget us in your sincere prayers

